Aqalka Sare oo magacaabay guddiga dabagalka weerarkii lagu qaaday guriga CabdiQeybdiid

????????????????????????????????????

24 Marso 2018 (Puntlandes) Kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho xildhibaanada Aqalka Sare ayaa waxa ay ku dhawaaqeen guddi baaritaan ku sameeya weerarkii lagu qaaday guriga Senator Cabdi Xasan Qeybdiid.

????????????????????????????????????

Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ayaa waxa ay sheegeen in Guddigaan ay heystaan Muddo gaaban, islamarkaana maalmo kooban ka dib ay ku dhawaaqi doonaan Natiijadda Baarista.

Senotaradda Aqalka Sare ayaa horay u ansixiyay in Guddi loo saaro Kiiskaasi , Maadaama Cabdi qeybdiid uu sheegay in uusan ku kalsooneeen Guddi uu horay u magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Guddigan oo ka kooban shan xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga dhigey ayaa kala ah:

1-Senatar Maxamed Amiin Sheekh Cisman  oo loo magacaabay guddoomiye

2-Senatar Axmed Xaashi Maxamuud guddoomiye

3-Senatar C/saaq Axmed Cali Xubin

4-Senatar C/hi Sheekh ismaacil FartaagXubin

5-Senatar Cabdulaahi Cabdi Garuun Xubin

 

Puntlandes.com

About The Author