Senator Fartaag oo ku dhaliilay Xukuumadda inay wax ka qaban weyday xaalada ka jirta Beledxaawo

24 Marso 2018 (Puntlandes) Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ku guuldareysatay inay wax ka qabato dhibaatada dowladda Kenya ku heyso shacabka degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

94a2

Waxaa uu sheegay in Kenya ay faragelin ku heyso Beledxaawo iyo dhul boob, isla markaana ay gudaha u soo galeen degmadaas labadii maalmood ee u dambeeyay, iyagoo godod ka qoday.

Senator Fartaag ayaa yiri “Waa wax lala yaabo in Xukuumadda ay indhaha ka qarsato dhibaatooyinka cusub ee Kenya ka wado Beledxaawo iyo hanti boobka lagu haayo shacabka ku nool Beledxaawo”

Senator Fartaag ayaa ka dalbaday Guddoonka Aqalka sare in loo yeero Wasiirada Xukuumadda ee quseysa arrimahaas sida Wasiirka Amniga, Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda.

Shacabka ku dhaqan Beledxaawo ayaa sameeyay dibad bax ay uga soo horjeedaan tallaabooyinka Kenya, waxaana kala eryay Ciidamada Jubbaland oo ay ku eedeeyeen inay la safan yihiin Ciidanka Kenya ee dhul boobka wada.

Maalmihii la soo dhaafay Ciidamada Kenya ayaa dhul boob xooggan ka waday Beledxaawo, iyagoo gudaha u soo galay degmadaas, si ay u dhameystiraan darbiga ay ka dhisayaan xuduud beenaadka, waxaana ay soo galeen xaafado ka tirsan Beledxaawo oo au bur buriyeen.

Puntlandes.com

About The Author