Baarlamaanadii Galmudug & Ahlusuna oo la isku daray

27 Marso 2018 (Puntlandes) Munaasabad lagu saxiixayay heshiiska Midowga Baarlamaanada Galmudug iyo Ahlusuna ayaa ka dhacay magaalada Dhuusa Mareeb, iyadoo Baarlamaanka Galmudug uu ka koobnaan doono 178 Xildhibaan.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa kala saxiixday heshiiska isku darka labada Baarlamaan, kaasoo ka dhigaya tirada Baarlamaanka Galmudug kan ugu ballaaran baarlamaanada dowlad goboleedyada.

Baarlamaanka Galmudug ayaa horay u ahaa 89 Xildhibaan, waxaana tirada intaas oo kale waxay imaaneysa Ahlusuna, taasoo isku darka noqoneysa 178 Xildhibaan.

 

95a1 95a2 95a3

Puntlandes.com

About The Author