Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Imaaraadka Carabta

27 Marso 2018 (Puntlandes)  Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa maanta u yeertay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Muqdisho Maxamed Axmed Al-Cusmaan Xamaadi, iyadoo tallaabadan ay noqoneyso tii u horeysay oo diblomaasiyadeed tan markii ay labada Aqal ee Baarlamaanka DFS meel mariyeen Xeerkii ay ku cayriyeen shirkada DP World.

95a5

Wararka ayaa sheegaya in Safiirka Imaaraadka Carabta wax laga weydiiyay arrimaha Saldhiga Milateri ee Imaaraadka Carabta ka dhisanayo Berbera iyo Heshiiska DP World.

Safiirka ayaa looga yeeray xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxaana dowladda muujisay sida ay uga xun tahay tallaabooyinka is daba jooga ee ka hor imaanaya Qaranimada iyo Madax banaanida Soomaaliya.

Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ka soo saartay u yeerida Safiirka Imaaraadka Carabta.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, kaddib markii dhowaan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ay ansixiyeen xeer dalka looga mamnuucayo Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Puntlandes.com

About The Author