Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya

27 Marso 2018 (Puntlandes) Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Soomaaliya  H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya H.E. Mr. Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.

Intii kulanku socday waxaa looga wada hadlay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin heshiiskii dhexmaray Maamulka Somaliland iyo Shirkadda DP World ee la xiriira Dekedda Soomaaliyeed ee Berbera iyo arrimaha sharci ee ka dhalan kara ku xadgudubka madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayna aqbali doonin in wax loo dhimo madax-bannaanideeda iyo tiirarkeeda qaran.

Dhankiisa, Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay in dalkiisa ay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta, xushmeynta iyo taageeridda madax banaanida Soomaaliya, midnimadeeda iyo bedqabkeeda dhuleed, isagoo sheegay laga maarmaanimada sii joogteynta isku duwidda iyo wadatashiga ku qotoma ballaarinta iyo qotodheereynta iskaashiga labada dal, kaas oo hubinaya horumarka xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta.
FB_IMG_1522131131663

FB_IMG_1522131136652-640x480

FB_IMG_1522131127056
Puntlandes.com

About The Author