Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Muritaaniya ay u soo Magacowday Somaliya

27 Marso 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Jamhuuriyadda Muritaaniya ee loo soo Magacabay Soomaaliya Mudane Wadaadi Walad Sayid.

Danjire Wadaadi ayaa Madaxweyne Farmaajo u gudbiyay Salaan uu uga siday Madaxweynaha Dalka Muritaaniya Mudane Maxamed Walad Cabdul Casiis, isaga oo intaa ku daray in Dowladda Murataaniya uu ahmiyad gaar ah u leeyahay xiriirka ay Soomaaliya la leeyihiin.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa farriin uu diray Safiirka Muritaaniya ee Soomaaliya, wuxuuna uga mahad celiyey Madaxweynaha Dalkaas Mudane; Maxamed Walad Cabdicasiis  iyo Dowladdisaba sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya, isagoona rajeeyey in xiriirkan uu asaas u noqdo iska kaashi buuxa oo dhex mara labada Dal.

95b

95b1

Puntlandesa.com

About The Author