Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax ”Warbixintii mashruuca ee bilaha September iyo October” Qaybtii 4aad

Waxaan idiin soo gudbinaynaa Qaybtii afraad oo aanu ku soo qaadanayno qayb kamid ah Warbixintii Dugsiga Hoose/Dhexe Cirro. anagoo qaybo kale oo ku saanbsan isla Dugsigan idiin soo giudbindoona haddii Allah idmo.

10113

Isbitaalka Gudbinta Bursaalax (Bursalah Referral Hospital

 1119

warbixin ku saabsan Bursalah Referral hospital

Isbitaalka gudbinta Bursaalax (Bursalah Referral Hospital) waa isbitaal dadweyne oo ay dhisatay bulshada Bursaalax waxaana  dhagax dhigay furayna Wasiirkii Wasaarada caafimaadka ee hore Dr Cali C/laahi, Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka iyo dhammaan Maamulka Isbitaalka Gobolka Mudug iyo kan Degmada Galdogob. Isbitaalkan waxaa loo soo gudbiyaa dhammaan bukaanada deegaanka degmada Galdogob iyo deegaanka kililka shanaad ee itoobiya.

Hadaba isbitaalku waxa uu ka kooban yahay qaybaha soo socda:

  1. OPD
  2. Surgeon room
  3. Libratory
  4. Dressing room
  5. Pharmacy
  6. Nursing room
  7. Store
  8. Guard room
  9. Injecting room
  10. Changing room

Waxaa kale oo uu leeyahay labo ward (laba meelood oo dadka la jiifiyo) oo kala ah:

  1. Women ward
  2. Men ward
  3. kitchen
  4. 5 toilets

Isbitaalku hadda waa shaqeeyaa waxaana ka hawlgala Shaqaale dhan 14 Shaqaaale ah oo ka kooban dhammaan qaybaha isbitaalka. Hadaba, waxa uu maalintii qaabilaa bukaan socod dhan  ilaa 12 bukaan oo kala duwan. Isbitaalku wuxuu u baahan yahay qalabayn dhan walba ah welina ma helin dhammaan balanqaadyadii Wasaarada Caafimaadku u balan qaaday marka waxaan ka codsanaynaa dhammaan daneeyayaasha Caafimadka meel kasta oo ay joogaan in ay gacan nagasiiyan sidii Isbitaalku u heli lahaa qalab kufilan.

1125

Shaybaarka isbitaalka

1126

Dr Cabdulaahi Cali Xaashi oo bukaan dawaynaya

1127

Bukaan jiifa sariir kamid ah sariiraha isbitaalka

1129

Dr Maxamed Xuseen Aadn oo bukaan qaabilaya

1128

Ambulance-ga Isbitaalku leeyahay

1119

Muuqaalka guud ee Isbitaalka

Akhri qaybta kowaad

Akhri qaybta labaad

Akhri qaybta sadexaad

 

Waxaa diyaariyey Warbixinta Qotada dheer: Maamulaha Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax

Cabdirashiid Faarax Xaaji-warsame

Daabacaada: Puntlandes.com

 

About The Author