Maxay u shaqaynwaayeen Qodobada ka soo baxa Shararka Golaha Wasiirada Puntland

Akhriste dib u jaleec oo iswaydii meesha ay ku dambeeyeen Qodobadii ka soo baxay shirarkii hore ee Golaha Wasiirada dawlada Puntland. Waxaa ugu waawaynaa  oo ay Warbaahinta madaxabanaan ee Puntlandes.com qoraalo Falanqayn ah ka qortay:

  1. Go’aankii ay ku meel mariyeen Xeerka Saxaafada Puntland
  2. Qodobkii Lagu Mabnuucay Bacaha in la isticmaalo
  3. Qodobkii lagu mamnuucay in la soo dejiyo ama lagu dhex wato Puntland Baabuur Shukaanta Midigta ku leh
  4. Qodobkii lagu mamnuucay haysashada Hubka Puntland dhexdeeda

Hal mid kama fulin maxaa yeelay markoodii hore ayaan laga baaraan degin ee waxay ku yimaadeen deg deg iyo iska dheh ama halhayska Koonfurta ”Hadaan Kooyey”.

 

Qodobka koowaad

Baarlamaanka oo xataa ansixiyey waa uu shaqayn waayey, bal adba?

Qodobka labaad

Waxaan mamnuucay bac waa sahal in la dhaho laakiin maxaad ku bedelin?

Qodobka sadexaad

Mamnuucida soo dejiyo ama in lagu dhex wato Puntland Baabuurta Shukaanta Midigta ku leh ma tahay wax loojig ah? Halkan ka akhri Faalooyin

Qodobka afraad

Aan waydiinee maku hawlan tahay wali Xukuumada Gaas fulinta Qodobadan mise? Iminkadatan waxaa ka socda Gobolka Karkaar dagaal la isku adeegsanayo Hubka noocyadiisa kala duwan? Halkan ka akhri Faalooyin

Waxaa fiican in aad soo saarto wax aad ka baaran degtay isla markaana aad fulin karto, waana in la kala saaraa hawo (Vision) iyo Run.

 

Puntlandes.com

About The Author