Daawo Video: Puntland oo mar kale beenisay inuu jiro wadahal u dhexeeya Somaliland, kana hadashay hawlgalka xoraynta

13 June 2018 (Puntlandes) Wasiirka Warfaafinta dawladda Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo ah xubin katirsan Guddiga Difaaca Puntland oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in uu sii soconayo dagaalka ka taagan deegaanka Tukaraq inta laga xoraynayo dhulka uu haysto maamulka Jeegaantu.

37c8

Wasiirka ayaa si adag u beeniyey in dawladda Puntland ay wax wadahadal ah kula jirto maamulka Jeegaanta, isagoo tixraacaya hadal uu sheegay wasiir Sacad, halkan ka akhriso oo ka daawo.

Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka reer Puntland inay Ciidankooda geesiyaasha ah iyo dawladooda ku garab istaagaan hawlgalka xoraynta ee ay wadaan.

Dhanka kale wasiirka ayaa sheegay in khasaaraha dagaaladii hore iyo kuwa soo socda haddii aysan ciidamadooda kala bixin gobalkaas ay qaadi doonto maamulka Jeegaantu.

Daawo shirka jaraa’id ee wasiirka

Puntlandes.com

About The Author