Dhegayso: Guddoomiyaha Gobolka Sool oo ka warbixiyey xaala gobolka & in Hawsha ugu weyni hadda tahay xoreynta & mideynta bulshada

14 June 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Sool Abuubakar C/raxmaan Geelle oo waraysi siiyey radio Daljir ayaa sheegay inuu labo maalmood magaalada Laascaanood moogyahay, magaaladuna aysan hadda Somaliland gacan ugu jirin.

37a7

Guddoomiye Geelle oo ka hadlaya xaalada ay hadda ku sugan tahay magaalada Laascaanood ayaa yiri “Magaalada waxaa hadda jooga 30 nin oo booliis ah oo aan xerada ka soo bixin,” Gudoomiyaha ayaa ku sii daray “raggaasna hadda magaalada waa ka warwareegaan, oo shacabku waa dad hubeysan, diyaarna u ah xoreynta deegaanka.”

Dhagayso waraysiga gudoomiyaha


Puntlandes.com

About The Author