Daawo Wasiirka Maaliyada Puntland oo ka jawaabay eedaytii Xisaabiyihii Gobolka Mudug

24 June  2018 (Puntlandes) Wasiirka Maaliyada Puntland Cabdiqaadir Saciid Caarshe oo shir jaraaid ku qabtay Garoowe ayaa waxa uu ka jawaabay eedayn culus oo uu maanta u jeediyay xisaabiyihii hore Gobolka Mudug Barkhadle Aadan Muuse oo maanta iska casilay xilkaas.

38c4

Wasiir Caarshe ayaa waxa uu sheegay in xisaabiyuhu ku fashilmay shaqadii loo igmaday, 17kii bishaana June laga joojiyay shaqadii uu u hayay dawladda Puntland.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in Xisaabiyihu uu lacag dhan 99kun oo dollar uu kala baxay shirkada Dahabshiil taas oo ahayd mushaharkii Ciidamada daraawiishta, waxa uuna sheegay wasiirku in ay magacabeen gudi arimahaas baara oo ka kooban 4 xubnood oo ay ka mid yihiin xisaabiyihii guud ee Puntland iyo Agaasimihi dakhliga.

WasiirCaarshe ayaa waxa uu been iyo wax kama jiraan ku tilmaamey eedaymo sheegayay in ay musuqmaasuqeen dhismaha kastamka dusmada ee Gobolka Mudug, ugu danbayna waxa uu ugu baaqay hay’adaha sharciga u sheegay in lacagtaas ay ku maqan tahay xisaabiyahaas, sidoo kale Barkhadle looga baahan yahay in uu soo cadeeyo waxa uu ku hadlay.

Daawo Shirkii jaraa’id ee wasiirka

Hoos na ka akhriso warqadihii uu Wasiirku uu Saxaafadda usoo bandhigay

Warsaxafadeedka Wasiirka.

38c

38c1

Warqada shaqo ka joojinta Xisaabiyaha

38b8

Magacaabida gudiga ku meel gaarka & Baaris

38c5

38c3

Heshiiska Dhex maray Wasaarada Maaliyada & Hope Service

38c6

Warqada lacagta loogu diray xisaabiyihii Gobolka Mudug

38c7

Puntlandes.com

About The Author