Warqad Furan Oo Ku Socota Shacabka Iyo Madaxwaynaha Puntland

Waxaan ku bilaabayaa magac Allah ee naxariis oo dhan iska leh Shacabka:

Shacabka

Waddankaan idinkaa iska leh oo Allah idinka beeray, dhib iyo baraare wixii ku yimaada waxay ku dhacaysaa waa idinka. Haddii Cadaalad la helo cidday anfacaysaa waa idinka, haddii wax la Musuqmaasuqo cidda la musuqmaasuqayo waa idinka… Haddii Nabad la helo cidda ku barwaaqoobaysaa waa idinka, haddii Colaadi dillaacdo cidda ku wax yeeloobaysaa waa idinka… Horumar Dhaqaale, Dibudhac Dhaqaale wax kasta oo Waddankaan soo food saara cidda ay saamaynayso waa idinka…

Shacabyahow ruux aan ogayn intaas kor kuxusani idinkuma jiro… Idinkoo sidaas u og oo aadame dareen iyo damiirba leh ah maxaa idinku kallifay inaad noqotaan damanayaal aan garan karin inay istaagaan oo yiraahdaan war waxaasi nama qabtaan kamana aqbalayno cid kasta oo timaadda inay xad gudub nagula kacaan…?!!! Maxaase idiin diiday inaad garab istaagtaan cid kasta oo u heelan inay idinku hogaamiyaan hilinka toosan…?!!!

Waxaa la idinka qaadaa cashuur oo laga qaado kuwa ugu dakhliga yare ee gidaarada shaaha ku kariya ilaa kuwa ugu dakhliga badan… Cashuurtaasna inteeda badan meel ay ka baxday lama arko, waxaana hubaal ah boqolkiiba afartan (40%) idinka mid ahi inay ogtahay cidda Musuqmaasuqa ba’an ku haysa dakhligaa… Maxaa afka idin haysta oo idinka horjooga inaad farta ku fiiqdaan oo aad ka diidaan falkaas foosha xun oo dib udhaca ku keenaya waddankaa waxii ku yimaadaba saamaynta idinku reebayso…?!!!

Shacabyahow miyeeydaan ogayn in Dawlad kasta oo timaadaa inaanay waxba qaban karin haddaydaan garab istaagin oo haddii ay kaleexato tubtii toosnayd aydaan u tilmaamin wadadii wanaagga ahayd ee ay kaleexatay… Haddii ay helinka wanaagsan qaadana aydaan ku garab istaagin oo wixii hagardaamaynaya ka qaban…

Shacabyahow waxaan idin oron lahaa aan fadhiga ka kacno oo iska qabano waxa inagu keenaya curyaaminta oo u istaagno sidii aan u heli lahayn horumar dhan kastaba taabanaya… Hadday noqon lahayd Nabad iyo Cadaalad, haday noqon lahayd kobcid dhaqaale intaba… Waxaan idin leeyahay yeeynaan cidna ka sugin aan ka biloowno Dawladdaan hadda jirta ee Cabdiwali Madaxa sare ka yahay…

Waxaynu ognahay Musuqmaasuqa ugu wayn ee cashuuraadka oo ku salaysan heshiishka baayacmushtarku la galo duulkaas hungurigu dilooday ee loo idmaday inay cashuurta qaadaan ee ah iga khafiifi oo qaybtaan qaado anna intaa igaddaa… Ogoobeey kuwa saas samaynaya ee baayacmushtarka ah iyagay ka go’an tahay cashuurtaa la khayaamayo, sababtoo ah waxay dakhli badan ku baxshaan ilaalinta ama waardiyaynta hantidaa… Haddayse siday tahay u bixin lahaayeen waxaa ku hawl geli lahaa ciidan badan oo ilaasha Amnigooda iyo hantidoodaba… Mar hadday saas tahay Maxaa idinku kallifay in laba lacagood lagaa qaado.

Musuqmaasuqa ku xiga ee aynu u naqaan Caaglayaal oo si xanuun badan curyaamin ugu haya dakhliga kasoo haray cashuurtaa markeedii horoba hagardaamada soo martay… Ciidamada iyo shaqaalaha Dawliga ahiba waa garanayaan Sarkaalka ama Madaxa Shaqaalaha ku mushahar qaata Ciidan ama shaqaale aan jirin oo gacan ku rimis ah… Miyeeydaan ogoyn waxa rafaadku soo gaarayo inay idinka tahay oo mushahar la’aantu ku dhacayso markaad iska qaban waydaan duulkaas hungurigu dilooday ee curyaaminta xanuunka badan idinku haya.

NGO yada,  Hayadaha Iyo Wasaaradaha aan waxba idiin qaban oo ku warbaxsha inay wax idiin qabteen halkaasna ku dhunsada dakhli aad u fara badan… Dawladdiina gaarsiiya qoraalo aan sal iyo baartoona lahayn oo been abuur ah… Ogoobeey inaan Madaxa Sare ee Dawladdu ogaan karin haddaydaan iska yurayn dhurwaayadaas oo aydaan gaarsiin Madaxda Sare.

Madaxwaynaha

Waxaad ogaataa in waayadaan danbe dadkii Allah ka biqi jiray ee daacadda ahaa ay yaraadeen intii ka hartayna laga waaliyey inay kasoo ag dhowaadaan meel kasta oo u baahan wax qabad dhab ah…

Waxaad ogaataa Madaxwayne kasta oo soo qabtay xilkaas inay boqnaha gooynayeen duulkii ku xeernaa oo ay ka waaliyeen cid alaale iyo cidday u arkayeen inay wax qaban karaan iyagoo ka baqaya inay xilalkooda la wareegaan maadaama ay ka daacadsan yihiin kana wax qabad fiican yihiin.

Waxaad ogaataa Madaxwaynaha aan indhaha furan inta quluubta shacabku raacsan tahay inay ku adkaato hadhow markuu indhaha furto inuu ku guulaysto inuu helo quluubta shacabkii markii hore qalbigoodu u furnaa…

Waxaad ogaataa in ruux masuuliyad loo dhiibay aanu marna kusoo war bixinayn habkii layga rabay oo lay idmaday  umaan gudan.

Waxaad ogaataa caburin inay wax xumayso maahee aanay marna wax wanaajin.

 

Wa Billaahi Tawfiiq

Qore: Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)

Email: guurey@hotmail.com

https://www.facebook.com/Guureey

http://aadciiltire.wordpress.com/

https://www.facebook.com/AADCiiltire

 

About The Author