Dhegayso: Weerarkii AMISOM ee Saldhigga Xalane miyaa loo adeegsadey gaari nooca rasaasta aysan karin?

Waxaa jira warar aad dadku u hadal hayaan oo ah in gaari ay la socdeen kooxdii al-Shabaabka ahayd ee weeraray Xalane uu ahaa nooca xabaddu aysan karin, waxaa dadku sheegayaan in gaarigan markii hore ahaa nooca gar-gaarka deg-dega ah laakiin midabka laga beddalay.

Gaarigan ayaa la sheegayaa in uu ka mid ahaa gawaari kuwa gar-gaarka deg-dega ah ee aan rasaastu ka dusin oo loogu deeqay gobolka Banaadir.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Tarzan ayaa markii uu xilka wareejinaayey ka hadley gawaaridan, waxaana uu sheegey in Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee xukuumaddii Saacid (Cabdikariim Xuseen Guuleed) uu la wareegey gawaaridan, waxaana uu sheegay in ay ku danbeyn doonaan in ay meel isaga burburaan ama midabka inta laga beddelo laga dhigo gawaari dano kale loo isticmaalo.

1287

Wasiirkii hore ee AMNIGA ayaa bishii Maarso 2014 ka jawaabey eedeyntaas waxaana uu sheegey in gawaardiaas ay uga cabsadeen in aya deegsadaan al-Shabaab isla markaana ku fuliyaan weeraro, sidaas darteedna Xukuumaddu ula wareegtey.

Dhegayso Tarzan iyo Cabdikariim oo ka hadlaaya gawaarida aan xabbadu kari bilowgii sanadkan 2014:


Qaar kamid ah warbaahinta Soomaalida ayaa daabacay in gaariga lagu weeraray AMISOM uu u kireysnaa Cabdikariim Xuseen Guuleed isla markaana uu ka kireysnaa hay’ad kheyri ah maalintiina ugu kireysnaa lacag aad u badan.

Horseed Media oo isku daydey in ay laamaha amniga ee dowladda ka xaqiijiso in gaari nooca xabaddu aysan karin ah lagu weeraray Saldhiga Xalane ayeysan u suurta gelin, waxaana Dowladda iyo Wasiirkii horeba looga fadhiyaa in ay ka jawaabaan wararka dadku isla dhex-marayaan iyo jiritaanka gawaaridii hore ee laga leexsadey goboblka Banaadir.

Xigasho:horseedmedia.net

Daabacaadii:Puntlandes.com

 

About The Author