Dhegayso: Raysul Wasaaare Sharmarke oo ka hadlay Maamul samaynta Gobolada dhexe

Raysul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa maanta mar uu waraysi siitýey SNTV iyo Radio Muqdisho waxaa la waydiiyey su’aal ku saabsanayd sida uu u arko maamulsamaynta Gobolada Dhexe iyo qaybta Puntland. Wuxuuna Raysul Wasaare Sharmarke.si cad u sheegay in aysan saamaynayn dhulka Puntland ee waqooyiga Gobolka Mudug. Wuxuuna intaas ku sii daray in ay tahay waxa maamulka loo samaynayo Koonfurta Mudug iyo Galgaduud.

Hadaba su’aasha in la waydiiyo u baahan Raysul Wasaare Sharmarke waa ma Dastuurkaa la bedalin mise Degmada Hobyo ayaa Gobol looga dhigin? Haddii Degmada Hobyo Gobol laga dhigo imisa Degmo ayaa iyana Gobol laga dhigin? Mise wuxuu noqon Muumul ”Special Status” leh oo ka kooban Gobol iyo Bar?

Dhagayso Raysul Wasaare Sharmarke


Puntlandes.com

About The Author