Fadeexad: 29% oo Dawlada Puntland ku guuldaraysatay in ay bixiso Miisaaniyaddii 2014

Garowe (Pes) maanta ayaa wuxuu sameeyey madaxweyne Dr Gaas in Wasiir walba oo ka tirsan Golaha Wasiirada Puntland uu ku soo bandhigo waxqabadkii sanadka 2014 ka. Hadaba Wasaarada Maaliyadda Puntland ayaa noqotay Wasaarada ugu maamul xumayd marka loo eego wixii ay waxqadka ku tilmaantay ama waxa ay Carqada ku tilmaantay iyo waliba siday u maaraysay Miisaanid sanadeedkii 2014 ka.

1-Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Puntland Shirre Xaaji Faarax  wuxuu waxqabad ku sheegay in uu deeq Waxbarasho u helay 90 arday oo barta maamulka iyo maaraynta dhaqaalaha. Hadaba Wasiir Shirre ma wuxuu leeyahay wadanka ma jirin dad bartay ama yaqaan cilmiga maaraynta dhaqaalaha?

2- Wasiir Shirre waxa uu guul uu gaaray ku tilmaamay Heshiis u dhaxaynaya Bangiga Aduunka iyo dawlada Puntland oo aan wali la saxiixin kuna xiran sida uu isaguba sheegay markay sharuudaha buuxiyaan in ay DFS u saxiixdo?

Fadeexad Miisaaniyadeed 2015ka

Waxaynu wada xusuusanaa in Miisaaniyaddii uu Baarlamaanka Puntland ansixiyey ee sanadka 2015 ee ahayd 72 milyan oo doolar uuna Wasiir Shirre ku soo daray ayna ka mid ahayd Miisaaniyadda lacag uu Bangiga Aduunka ku Kabayo misaaniyada 2015 taaso ahayd aduun lacageed oo gaaraya 22 milyan iyo 995 kun oo doolar. Maanta Wasiir Shirre wuxuu shaagay in wali lagu heshiin!!!! Sidee ayey Miisaaniyadda 2015 ugu soo darsadeen wax aan wali lagu heshiin bal BEEN intaa ka wayn yaa arkay?  Sidee Baarlamaanku u ansixiyey wax aan wali la isku afgaran? Akhriso qoraaladii ay Warbaahinta madaxbanaan ee Puntlandes.com ka qortay: Miisaaniyadda 2015 Miisaaniyada Puntland 2015 far baa ku Godan? Iyo Xukuumada Dr Gaas waxqabad la’aantii ma dayray ku dartay?

Fadeexad Miisaaniyadeed 2014 ka

Wasiir Shirre waxa uu qiray in aysan dawladiisu bixin 29% oo ka mid ah Miisaaniyad sanadeedkii 2014 taasoo ah Mushahaarooyinka Ciidamada Puntland iyo Shaqaalaha Rayidka ah iyo waliba Adeegyadii Bulshada ay dawladu u qaban jirtay!!!!. Wasiir Shirre wuxuu sheegay in ay u suurto gashay 71% in ay bixiyaan isagoo sheegay in lagu leeyahay oo dayn ahaan ay ugu gudbayso Miisaaniyada 2015 ka 29% o oka mid Miisaaniyaddii 2014. Wasiir Shirre ayaa sheegay wax uu ugu yeeray Carqabado keenay in ay bixin waayaan 29%, waxaana ka mid ahaa Carqabadahaas uu tilmaamay:

  1. La dagaalanka Argagixisada
  2. Difaaca Xuduudaha- sida: Taleex iyo Mudug
  3. Martigelinta Wafdigii DFS
  4. Soo gadid agab Ciidan
  5. Isu celinta gaadiidka la kala haystay iyo ka hortegida Colaadaha

 

Su’aalo la waydiiyey Wasiir Shirre

 Waxaa la waydiiyey su’aalo ay ugu muhiimsanayd:

  1. Shilin Soomaaliga oo gabaabsi ah maxaa idiinka Qorshaysan?
  2.  Waxyaalihii Dastuuriga ahaa sida Difaaca dalka maxaad Carqabad ugu timaanteen?

Wasiir Shirre waa ka wareegayy in uu ka jawaabo su’aashii hore halka uu tan dambe ku jawaabay sidatan ”Difaacu Miisaaniyadda kuma jirin sidaas bayna Carqada u ahayd” Xaggee lagu arkay dal aysan Miisaanitýaddiisa ku jirin Difaaciisu? Yuu mooday Wasiir Shirre in uu la hadlayo?

Waa ceeb in Wasiirkii Maaliyadda dawlada Puntland ay shaqadiisu sidaas noqotay waxaana Masuuliyadaas qaadaya madaxweynihii keensaday isaga waana madaxweyne Dr Gaas.

Puntlandes.com

 

 

 

About The Author