Sawiro: Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo kormeer ku tagay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta kormeer ku tagey xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Isbitalka Xoogga, waxaana kormeerka ku weheliyey Sii-hayaha Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, kuxigeenadiisa iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Jen Dahir Aadan Cilmi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horreyn booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasoo uu kula kulmay saraakiisha ciidanka Xoogga dalka, isagoo kormeeray qeybaha Wasaaraddu ka kooban tahay iyo Isbitaalka Xoogga.

Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Dahir Aaden Cilmi oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha cusub booqashadiisii ugu horreeyey inuu ku yimaado wasaaradda gaashaandhigga, isagoo tilmaamay in taliska ciidanka xoogga uu ku howlan yaha dib u dhiska ciidamadda, taas oo hadda meel wanaagsan maraysa.

“Waxaan kala shaandhaynay saraakiisha ciidamadda, 3000 oo saraakiil iyo dabley ah ayaa shaqada laga fariisiyey, kadib markii la ogaaday in aysan kasoo bixi karin howsha qaran” ayuu yiri Taliyaha Ciidamadda Xoogga.

Sii-hayaha Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa sheegay mudadii uu joogay Wasaaradda in isbadal muuqda la sameeyay isla markaana dib loo soo celiyay kaalintii bulshada, iyagoo ku soo biireen ciidamadda XDS aqoonyahano Soomaaliyeed oo ka qeyb gala shirarka caalamka ee looga hadlayo dib-u-dhiska ciidamadda.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ku ammaanay saraakiisha ciidanka xoogga sida ay ugu soo dhabar-adeegeen difaaca qaranka, iyada oo aaney jirin xaquuq iyo daryeel dhamaystiran, wuxuna kula dar-daarmay ciidanka inay waajibaadka qaran ee dalka iyo dadka ka saran si wanaagsan ugutaan.

“Waxaan idin ku ammaanayaa sida aad naftiina ugu hurteen bad baadinta difaaca iyo badbaadinta dalka, waxaana tihiin geesiyaal qaran, ummadda Soomaaliyeedna idinma ilaawi doonto” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay saraakiisha ciidanka Xoogga, isagoo dhanka kale u balan qaaday in Xukuumada uu soo dhisayo ay xoogga saari doonto joogteynta mushaaraadka, tayeynta iyo qalabeynta ciidanka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Isbitaalka Xoogga, waxaana taliyaha ciidanka xoogga Jen. Dahir Aadan Cilmi uu goobta ku siiyay warbixino la xariira qaabka uu u shaqeeyo Isbitaalka iyo sida loogu baahan yahay in kor loogu qaado tayada Isbitaalka, isagoo xusay in dadka ka shaqeeya ay qabaan tababaro tayo sare leh oo ay siiyeen Saraakiil Soomaaliyeed.

Sawiro
1290

1291

1292

1293

1294

1295

1296

1297

1298
Puntlandes.com

About The Author