Akhriso: Waxa kala qabsaday Ismail A Dirie iyo mid ka mid ah taageerayaasha Xukuumada Gaas (Xafladjoog)

Ismaaciil Aadan Diiriye oo falan-qeeya Siyaasada Puntland ayaa aragtidiisa ku cabiray barnaamijka loogu magac darey La xisaabtanka Xukuumada (Xaflad-Joog) ee uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdiwali Cali Gaas oo labadii maalmood ee u dambeysay ka soconayay magaalada Garowe.

Ismaaciil Aadan Diiriye oo ka mid ah Aqoonyahanada Puntland ee ku nool dalka Ingiriiska horeyna usoo noqday Agaasimihii guud ee hay,adda daryeelka bulshada ayaa ku tusaaleeyey Isla xisaabtanka Xukuumada Puntland sheeko dhex martay isaga iyo mid ka mid ah teegeeraysaasha xukuumada Xafladjoog ee xitaa dalxiiska DR Gaas waxqabad ka dhiga ayaa waxayna u dhacday sheekadii sidatan:

Tageere Xafladjoog: War Ismail masha Allah miyaadan maqlin in xukuumada Puntland ay gashay maalintii labaad ee isla xisaabtanka dhexdeeda ah?

Ismaaciil Aadan Diiriye: Oo miyeeysan xukuumada awal iska warqabin?

Tageere Xafladjoog: Hadaba maxaad ka filaysaa natiijada ka iman doonta isla xisaabtankaas?

Ismaaciil Aadan Diiriye: Waxaa shaqadooda wayn doono kuwa la goaansaday in la cazilo isla xisaabtankan ka hor, waxana la dalacsiin doonaa kuwo horleh, waxaa la dayn doonaa kuwa lama taabtaan ah, waxaa la shaqaalaysiin doonaa kuwa sanad dulqaadanayey kuna raagay jiifka hotelada Garoowe.

Tageere Xafladjoog: Hadaba maxaad ku tilmaamil lahayd isla xisaabtanka xukuumada?

Ismaaciil Aadan Diiriye: Waa xaflad ka mid ah xafladaha Xafladjoog waana xeelad ayaamo ku kashifmi doonta.

Tageere Xafladjoog: Hadaba maxaan kaa gaarsiiyaa xukuumada?

Ismaaciil Aadan Diiriye: Iga gaarsii hambalyo ka timid akhyaar ku daalay daawashada heesaha hirgalay.

1087

WQ Ismail Adam Dirie.

Xigasho:- https://www.facebook.com/ismail.dirie.3

Editorail Office

Puntlandfes.com

info@puntlandes.com

About The Author