Dhagayso: Shaqaalaha Maxkamada Daraja koowaad Gobolka Bari oo shaqo joojin sameeyey

13012

Qaar ka mid ah shaqaalaha maxkamada darajada koowaad ee Gobolka Bari ayaa sameeyey shaqa joojin ay ku muujinayaan mushaar la’aan ay ka cabanayaan iyagoo sheegay in mushaarku ka maqan yahay shan bilood.

Maxamed Axmed Yaasiin oo ku magac dheer BBC kana mid ah shaqaalaha maxkmada Bari ayaa waraysi uu siiyey radio Daljir ku sheegay in shaqadii maxkamada ay istaagtay isagoo ku sababeeyey in xarunta maxkamada ay ka go’an yihiin koront iyo biyihii maxkamada.

Maxamed wuxuu sheegay in xarunta maxakamada lagu leeyahay korontada bilo badan sidaa oo kalana biyihuna la mid yahay, isagoo sheegay in ay u sii dheertay mushaar la’aan saamaysay shaqaalaha maxkamada.

Kala socodka shaqada maxkamada Gobolka Bari ayuu sheegay in ay san suurta galayn isagoo tusaale u soo qaatay shaqada u yar ee qoraalka maxkamada ka soo baxa aysan awoodin in ay soo saarto maanta.

Maxamed BBC wuxuu sheegay in ay shaqaaluhu ku shaqayn karaan intii muddo ah mushaar la’aan iyagoo u dhabar adaygaya bulshadooda balse aysan taa suurtagal noqonayn wakhtigan isagoo xusay in uu maqan yahay adeegii maxkamada iyo mushaaraadkii shaqaalaha.

Ugu dambayn waxa uu baaq u diray wasaarada maaliyada Puntland iyo hay’adaha dowlada isagoo u sheegay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u fududeeyaan hirgelinta adeega maxkamada iyo bixinta mushaaraad shaqaalaha maxkamada.

Dhegayso


Puntlandes.com

 

About The Author