Wasaarada maaliyada Puntland oo ku fashilantay Miisaanidda 2014

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Puntland Shirre Xaaji Faarax oo warbixintiisii shalay uu ka jeediyey waxqabadkiisa sanadkan ayaa sheegay in aysan wasaaradu bixin 29% oo ka mid ah miisaaniyaddii sanadka 2014 loona gudbindoona sanadka 2015. Isagoo u sababeeyey Wasiir Shirre madaxweyne Gaas iyo Golaha Wasiirada hortooda difaaca Puntland iyo wax la mid ah oo aan Miisaaniyadda dawlada Dr Gaas kuba jirin, Akhri faahfaahin halkan

Hadaba haddii aynu Falanqayno waxay Miisaaniyada sanadkan ahayd qiyaastii 38 milyan doolar 29% waxay noqonaysaa qiyaastii 11 milyan halkaas waxaa ka soo baxaysa in lacagta ku baaqiga ah sanadka 2014 Wasaarada Maaliyada ay tahay 11 milyan oo doolar iyadoo ay Wasaaradyú bixisay 27 milyan o oka mid ah 38 dii malyan ée Miisaaniyaddu ka koobnayn

Guuldarada u soo hoyatay Wasaarada iyo madaxweyne Gaas sanadka 2014 waxaa kas ii kan 2015 Miisaniyadda ay Baarlamaanka horgeeyeen oo uu u ansixiyey 23 milyan oo doolar oo ka mid ah wali ma uusan ogaal Bangiga Aduunka waaan sida uu shalay ka sheegay Wasiir Shirre Golaha Wasiirada iyo Madaxweyne ´Gaas hortooda. Sidee ayaad Miisaaniyad ugu darsan kartaa waxa aan laguu ogolaan mise Shacabka reer Puntland ayey qaldayeen?

1079

Waxaanu wada ogsoon nahay in intii ay Xukuumada uu Hogaamiyaa Gaas ay talada dalka la wareegtay in la kordhiyey Dakhliga usoo xarooda dawlada iyada oo la abuuray Canshuuro horay aan u jirin in la qaado. Hadaba Waa Su’aale xaggee ayey ka baxday lacagtii ama Canshuurtii laga soo ururiyey muwaadiniinta reer Puntland? Tani waxay ku tusaysaa Musuqmaaasuqa baahsan e eka jira Xukuumada Dr Gaas uu Hogaamiyo. Waxaa Boob cad lagu hayaa hantidii ummadda ka dhaxaysay.

 

Puntlandes.com

About The Author