Yuusuf Garaad ”Cadaado ma mid gado midna lacag la’aan ku qaado ayey rabtaa? Ha caddeyso Cadaado haddii ujeeddadeedu ay tahay in ay caasimad noqoto”

Gobollada Dhexe maxay Dowlad u dhisan kari la’yihiin? Degmooyinka iyo siyaasiyiinta hor boodayaa maxay guul u yaqaannaan? Dantoodu ma in ay helaan baa waxa ay doonayaan? Mise dantoodu waxay ku jirtaa in ay is-hor taagaan waxa ay kuwa kale doonayaan?

Erayadeydu waxay ku socdaan labada degmo ee Dhuusa Marreeb iyo Cadaado. Waxaa hore loo go’aamiyay in shirka lagu dhisayo Dowlad Goboleedka lagu qabto Cadaado. Waxaa arrintaa diiddan Dhuusa Marreeb. Sabab? Waa baqdin ay ka qabto in caasimadda Gobollada Dhexe, oo ay iyadu dooneyso, laga dhigo meel aan Dhuusa Marreeb ahayn. Laakiin Dhuusa Marreeb uma ololeyn caasimadda sidii ay ku heli lahayd ee waxay ku dhawaaqday in uu shirku ka dhacayo Dhuusa Marreeb.Waa mowduuca aan jecelahay in aan halkan ku qaadaa dhigo. Si ay noogu fududaato, waxaa habboon qolyaha is haya in mid kastaa uu is weydiiyo ujeeddadiisu waxa ay tahay. Ma adigaa wax doonaya? Mise cid wax isu rabta ayaad is-hor taageysaa?

Haddii ay Dhuusa Marreeb si uun ay ugu guuleysato in ay Cadaado iska hor taagto in shirka ay marti geliso, is nacayb ka dhasha ka sokow, haddana macnaheedu ma ahan in Dhuusa Marreeb ay si ootomaatik ah u noqoneyso caasimadda.

Waxaan soo xusuustay nin telefoon ku dalbanaya Pizza (raashin muufada la bah ah) oo la iiga sheekeeyay. Wuxuu ka billaabay doofaar ha iiga darin, kalluun ha iiga darin, basal ma rabo iwm. Wuxuu tiriryay tax dheer oo ah waxyaabaha ay tahay in aan lagu darin. Liiskaasi wuxuu ka dheeraa waxa uu rabo in lagu daro. Sow ugama sahlaneyn in caqligu uu taliyo oo uu sheegto mid ama laba waxyaabood oo uu rabo in lagu daro.

Dhuusa Marreeb iyada oo aan waxba is-hor taagin, cadaawadna aan abuuran, ha raadsato waxa ay iyadu dooneyso. Uma qabo in ay dooneyso marti gelinta shirka – saa hore ayaa loo go’aansadaye. Waxay dooneysaa waa in ay noqoto caasimadda Dowlad Goboleedka.

Wey mudan tahay, sababo badan oo loogu dooran karaana wey jiraan. Oo ay ka mid tahay in caasimadda labada Gobol ee isku biiraya middood ay qeybsan tahay. Midda kalena ay tahay Dhuusa Marreeb. Taas waxaa ku taageersan degaanno kale oo badan oo Gobolka ah. Waa xarunta Gobolka waana mid ka mid ah labada fariisimood ee ay ugu badnaayeen militeriga Soomaaliya markii ay ahaayeen cudud Afrika ka tilmaaman. Ha ka faa’iideysato, hana muujiso soo dhoweyn, dulqaad iyo in ay dadku u sinnaan karaan magaalada, haddiiba ay caasimad u wada noqoto. Dhuusa Marreeb soo jiidasho wax ha ku doonato ee diidmo yaanay wax ku radin.

1327

Cadaado waa magaalo si wanaagsan u dhisantay intii uu burburku jiray. Waana goob la go’aansaday in shirka lagu qabto. Cadaado iyaduna waxay u baahan tahay in ay fahamto in aan marti gelinta shirka loo diiddaneyn loona diidi karin. Laakiin tuhunku uu yahay in ay dooneyso in ay adeegsato fikradda ganacsiga ee ah – Mid gado midna lacag la’aan ku qaado.

Markaa ha is caddeyso Cadaado haddii ujeeddadeedu ay tahay in ay caasimad noqoto. Oo ay xaq u leedahay. Haddii ay ujeeddadeedu ku eg tahay marti-gelinta shirkana, sidaa ha caddeyso.

Waxyaabaha xalka noqon kara waxaa ka mid ah, in ceeriinka wax lagu qeybsado. Hore waa loogu heshiiyay meesha uu shirku ka dhacayo waana Cadaado. Taas ha la aqbalo. Ka hor inta aan Cadaado la teginna ha laga heshiiyo meesha ay caasimaddu noqoneyso. Haddii taasi aanay suurta gal ahayn, waa in ugu yaraan lagu heshiiyaa sida Caasimadda lagu go’aansanayo, cidda go’aansaneysa, goorta iyo goobta lagu go’aansanayo iyo weliba magaalooyinka tartanka ku jira.

Ma garanayo waxa labada magaalo ay dooddan isugu koobayaan marka min Wabxo oo Hiiraan Saaran, Ceel Dheer iyo Hobyo oo xeebta Badweynta India ku yaal ilaa Caabbud Waaq oo ku dhow soohdinta Ethiopia iyo min Guri Ceel ilaa Gaalkacyo ay qeyb ka noqonayaan go’aanka meesha caasimad noqoneysa.

Ugu dambeyn, taladeydu waxay ku kooban tahay – yaan la is lug jiidin, yaanna la is tijaabin ee ha la is aqbalo, waxna ha la isu quuro si la isu kaashado.

1328

Yuusuf Garad Cumar
yusufgaraad@googlemail.com

About The Author