Warbixin-Xog: Ma saanaa Horumarkii, Cadaaladii iyo Isla Xisaabtanka Dr Gaas? Qaybtii 3aad

Warbaahinta madaxabanaan ee Puntlandes.com waxay horay indiinku soo gudbisay Qoraalkii koowaad oo aanu ku soo qaadanay

Qaybta 1aad: Xisaabiyaha Guud Maaliyada Gobalka Mudug.

Qaybta 2aad: Maareeyaha Airporka abdullahi yusuf ee Magaalada Gaalkayo

1330

Waa kuwa kooxda haysataa Gobolka iyo Xaruntiisa?

 

3- Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Gobolka

1309

Magaca: Cabdullahi Cali Barre.

Jufadiisa/Qabiilkiisa: Jufada reer bihindolal/Cumar Maxamuud. Waxaa abti run ah u ah Maxamuud Cali Yusuf Gaadayare, Xisaabiyaha Guud ee Gobolaka Mudug Isaguuna meesha u joogaa waana isku fikir isku koox wuxuu booska u joogaa muda dheer. cidna lama xisaabtanto maxa yeelay wuxuu ku xiran yahay oo abti u Mr Gaadayare oo ah ugu awooda badan Gobolka Mudug iyo Magaalada Gaalkacyo. Gaadayare reer Gaalkacyoodku waxay u yaqaanaan Madaxweynaha Gobolka Mudug maadaama uu yahay Shaqsiga wuxuu rabo oo kaliya ka socdaan Gobolka iyo magaalada. Cabdullahi Cali Barre waa nin aan khibrad badan u lahayn arrimaha bangiyada.laakiin meesha ku jooga Abtigi Gaadayare.
Aaway Cadaaladuu sheegayey Gaas? Aaway Horumarkuu sheegayey? Sidaan Gobolka Mudug Horumar mak u gaari karaa haddii Koox yari ku takrifalayso dhaqaalihii lagu horumarin lahaa Gobolka?

 

La soco qaybta sedexaad oo Puntlandes.com idiin soo gudbindoonto. Haddii Allah imdo

Puntlandes.com

About The Author