DEG DEG WASIIR KII HOWLAHA GUUD EE DA WLADDA FEDERAALKA OO ISCASILAY, WAA MAXAY SABABTU?

16 Dec 2018 (Puntlandes) Wasirka Howlaha Guud ee Xukumada Federaalka Soomaaliya Xildhiban Cabdifiiatax Ibraahim Geesey ayaa goor dhawayd iska casilay Xilki Wasirnimoee xukuumadda Khayre.

Geeseey wuxuu sheegay in sababta uu isaga casilay xilkii ka hayay Xukuumadda tahay kaddib markii uu sida uu hadalka u dhigay u dulqaadan waayay fara-galinta iyo caburinta ay dowladda Soomaaliya ku heyso shacabka iyo bulshada ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

”Sababta aan isku casilay waxay tahay ma jirin meel dowladda aan aniga ka tirsannahay ay ku go’aan qaadatay in la afaduubo lana caburiyo doorashada Koonfur Galbeed, ma jirin meel lagu go’aansaday in si qasab ah oo waliba afduub ah loo soo xiro muwaadin Mukhtaar Rooboow, loogana reebo doorashada, ma jirin meel lagu go’aasaday in aan lala tashan Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka deegaannadaas ka jeeda, iyadoo ay jirto in la heerar marayo dhamaan wixii shuruuc ah oo u yaalay dalka, sidaa daraadeed waxaan go’aansaday in aan marqaati ka sii ahaanin arimahan oo dhan” ayuu yiri Wasiirka.

Wuxuu noqonayaa wasiirkii ugu horeeyay ee xukuumadda uga taga wax uu ku tilmaamay fara-galin dowladda Soomaaliya ay ku heyso doorashada daw lad goboleedyada gaar ahaan maamulka Koonfur Galbeed iyo xariga Mukhtaar Rooboow.

Warar kale ayaa sheegaya inuu dhawaan isna is casili doonaan   waar kale oo ka mid Wasiirada xukuumadda Khayre ee kasoo jeedaKG.

Puntlandes.com

About The Author