Maxkamada G/Banaadir oo go’aan ka gaartay kiiska musuqmaasuwa ahaa ee wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda

16 Dec 2018 (Puntlandes)  Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa go’aan ka gaartay kiiskii loo heystay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya oo muddo soo socday.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Da’uud ayaa ku eedaysnaa Afartan Qodob oo kala ah:

1-Ku xadgudub Xatooyo Xoolo Dadweyne

2-Ku xad gudub awood xafiiseed

3-Ku daneysi shaqsiyadeed howlo Xafiiseed iyo diidid howlo Xafiiseed.

4-Ku xadgudub xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shaacisay in wax dambi ah lagu waayay wasiir ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya.

 

Puntlandes.com

About The Author