Sawirro: Madaxweynaha Somaliland & Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo ku kulmay Sacuudiga

13 August 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku kulmay dalka Boqortooyada Sacuudiga Carabiya, magaalada Mina oo ay u joogaan gudashada waajibaadka Xajka.

Kulankan oo ahaa mid is arag ah ayaa waxaa Madaxweynaha Somaliland ku wehliyay Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin iyo xubno kale, halka Wasiirada ka socday dowladda Federaalka ee ay is arkeen ay kala yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Kalluumeysiga C/llaahi Bidhaan, Wasiiro dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/llaahi Xaamud.

Labada dhinac ayaa wadajir goob ku taal Mina, waxaana ay isla soo qaadaan xiriirka iyo walaaltinimada.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/llaahi Xaamud ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo geliyay ku sheegay inay sharaf u aheyd inay la qaxweeyaaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi

“Sharaf ayeey ii ahayd in aan xalay la qaxweeyno Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Madaxweyne Biixi waa nin waayo arag ah, yaqaanana qiimaha aynu isu leenahay, aadna u qaddariya rayiga walaaltinimo.
Fadliga maalmahan barakaysan, iyo dhulkaan barakaysan awgiis Allow kulankeena ka yeel mid barakeysan”ayuu yiri C/llaahi Xaamud.

Kulankan ayaa ah kii u horeeyay oo Madaxweynaha Somaliland la yeesho Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, tan iyo markii xilkan loo doortay, sidoo kale waxaa loo arkaa mid yididiilo leh oo ka qeyb qaadanaya sidii la isku soo dhowaan lahaa oo dib wada hadalada labada dhinac loo ambaqaadi lahaa.

 


Puntlandes.com

About The Author