Guddiga doorashada Jubbaland oo sheegay in Doorashada Madaxweynaha u dhici doonto sidii loo qorsheeyay

18 August 2019 (Puntlandes) Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa sheegay in doorashada Madaxweynaha Jubbaland la qaban doono waqtigii la qorsheeyay oo aan dib loo dhigi doonin, kaddib warqad loo diray Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo looga jawaabay qoraalkii xalay uu u diray Guddiga.

Qoraalka uu Guddiga doorashada Jubbaland u diray Mr Swan ayaa looga hadlay tallaabooyinkii uu Guddiga qaaday iyo howlihii la soo qabtay, iyadoo Guddiga tilmaamay in la marayo marxaladii kama dambeysta aheyd ee howsha hannaanka doorashada Jubbaland.

Guddiga ayaa sheegay inuu sameeyay illaa 7 tallaabo oo lagama maarmaan u ah dib u habeynta hannaanka doorashada, si ay u noqoto mid loo dhan yahay, illaa heer dib loo furay is diiwaan gelinta Musharaxiinta oo saddex maalmood lagu daray, taasoo ka bilaabanaysa 17 illaa 19 bishan Agosto.

Qoraalka Guddiga ayaa lagu sheegay inay isku raaceen in aan tallaabooyin dheeraad oo kale lagu sameyn howsha, iyadoo la qaaday wixii tallaabo lagama maarmaan ahaa, sidoo kale Guddiga ayaa tilmaanay in la fuliyay dhammaan wixii shuruudo ee ku saabsanaa habraacyada sharciga doorashada iyo dastuurka

Hoose ka akhriso qoraalka Guddiga u direen James Swan


Puntlandes.com

About The Author