Sawirro hordhac ah Dhismaha Garoonka cusub ee Gaalkacyo oo la bilaabay

30 Dec 2019 (Puntlandes) Shir looga xaajoonayo dhismaha garoonka cusub ee Gaalkacyo oo shalay ka qabsoomay Gaalkacyo ayaa lagu go’aamiyey in dhismaha Garoonka caalamiga ah ee Gaalkacyo uu si deg deg ah u bilowdo.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 30ka december 2019ka ayaa waxa ka dhacday goobta loo asteeyey in laga dhiso Garoonka munaasabad lagu bilaabayey, taasoo ay ka soo qayb galeen Isimada gobolka oo uu hogaaminayo Isinka guud Islaan Bashiir iyo wasiirka Duulista Hawada dawladda Puntland.

Si rasmi ah ayaa waxa u bilaamay wajiga koowaad ee dhismaha garoonka Caalamiga ah ee ay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug yeelanayso.

Halkana ka daawo sawirrada kullankii shalay

Daawo sawirro hordhac ah


Puntlandes.com

About The Author