Wasiir C/rashiid Janan oo Doon ku tagay Kismayo

31 Jan 2020 (Puntlandes) Wasiirkii Amniga Jubaland C/rashiid Janan oo maalmo ka hor ka baxsaday Xabsi ay ku haysay dowladda Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Kismayo ee caasimadda KMG ah ee Jubaland.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jubbaland Maxamed Axmed Sabriye ayaa u xaqiijiyay saxaafadda inuu C/rashiid Janan doon uu kaga yimid Muqdisho ku soo gaaray magaalada Kismayo.

Wararka ayaa sheegaya in doonta ka soo qaaday Xeebaha Muqdisho ay dhexda ugu tagtay doon kale oo laga diray Kismayo, oo ay la socdeen Ciidamo Ilaalo ahaa.

Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland ayaa 48-kii saac ee la soo dhaafay ka shaqeynayay sidii C/rashiid Janan oo badqaba uu dhanka Badda ugu imaan lahaa Kismayo.

C/rashiid Janan ayaa la geeyay Guriga Martida ee Kismayo, iyadoo ammaankiisa si aad ah loo adkeeyay.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Taliye kuxigeenka Booliska Jen. Zakiya ay shaaca ka qaaday in C/rashiid Janan uu ka baxsaday goobtii uu ku xirnaa.

Maamulka Jubaland ayaa la filayaa inuu war ka soo saaro imaanshaha C/rashiid Janan, sidoo kale Mr Janan ayaa qudhiisa la filayaa inuu warbaahinta la hadlo.

Puntlandes.com

About The Author