Dagaal khasaare dhaliyey oo ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo

23 May 2020 (Puntlandes) Dagaal xooggan oo u dhexeeya malayshiya beeleed iyo ciidanka Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya ee DANAB ayaa ka dhacay maanta koonfurta magaalada Gaalkacyo ee dhanka ay ka arimiso Galmudug.




Dagaalka ayaa bilowday kadib markii malayshiyo beeleed hubaysan oo wata gaadiidka dagaalka ay isku gedaameen xarunta Kumaandooska DANAB ee koonfurta Gaalkacyo iyagoo dalbanayey in la soo daayo nin lagu magacaabo Cabaas oo ay Ciidanku gurigiisa kala baxeen habeen hore, kaas oo lagu tuhmayo inuu ka tirsan yahay hogaamiyaasha Alshabaab.



Labada dhinac ayaa waxaa ka dhex bilowday dagaal xooggan oo la isu adeegsanayo Hubka culus islamarkaana ku sii fidaya xaafadaha ka agdhow xarunta DANAB, waxaana ugu yaraan ku dhimatay 5 ruux oo dhinacyadii dagaallamay ah in ka badan 10 kalena waa ku dhaawacmeen dagaalkaas.

Puntlandes

About The Author