Safiirkii Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya oo Muqdisho ku Geeriyooday

24 May 2020 (Puntlandes) Safiirkii Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Xamuud Samraan Al-Xuwayti ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho, isagoo si kedis ah u geeriyooday, inkastoo aan faah faahin laga bixin xanuunkaas.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka tacsiyadeyneyso geerida ku timid Safiirka.





Halkan hoose ka akhriso War saxaafadeedka

About The Author