Akhriso Qodobka 80aad ee dastuurka Puntland ee qeexaya awoodaha madaxweynaha

24 May 2020 (Puntlandes) 8dii janaayo 2019 ayaa waxay xildhibaanada Puntland waxay madaxweynaha dawladda Puntland u doorteen Siciid Cabdulaahi Deni, halka ay madaxweyne kuxigeen u doorteen Axmed Cilmi Cisman Karaash.

Axmed Cilmi Cisman Karaash waa madaxweyne  ku-xigeenka Puntland, wuxuuna qabtaa xilalka madaxweynahu u igmado.



Qodobka 80aad ee awoodaha iyo mas’uuliyadaha madaxweynaha, wuxuu ka kooban yahay sida aad sawirka hoose ka aragtaan 19 firqo oo qaarkood ay leeyihiin xarfo b, t, j….

Firaqada 4aad iyo firqada 18aad oo kaliya ayaa Qodobka 80aad xusayaa inuu madaxweynuhu la tashto ku-xigeenkiisa, taasina ma ahan ama ma sheegayo inuu ku-xigeenku la magaabo madaxweynaha.

Waxaa iminka soo shaac baxay khilaaf u dheeya madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, Puntland na dastuur bay leedahay ay ku cad yihiin awoodaha madaxweynaha, kaas oo uu qeexayo Qodanka 80aad.


 

Akhriso Qodobka 80aad ee awoodaha iyo mas’uuliyadaha madaxweynaha


Puntlandes.com

About The Author