Daawo Video: Sheekh Shariif “Qalabkii dowladda Federaalka loogu deeqay waxaa qaarkood lagu arkay Suuqyada”

24 May 2020 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in qalabkii Soomaaliya loogu deeqay ee dowladda Federaalka lagu wareejiyey looguna tala galay in lagula tacaalo Coronavirus in lagu arkay Suuqyada.

Sheekh Shariif oo ah Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in qalabkaas oo dowlado badan ay ku deeqeen aan loo isticmaalin sidii loogu tala galay, isla markaana suuqa ay galeen.





Sheekh Shariif ayaa yri “Waxaan la soconaa in qalab farabadan ay dowlado kala duwan keeneen, waxana muuqata in sidii loogu talogalay loo isticmaalin oo qaarkood naloo sheegay in suuqa lagu arkay, arrimahaasi ma fiicna amaanada sidii loo keenay in loo guto ayaa la rabaa”



Sidoo kale waxaa uu ku dhaliilay dhaqaatiirta dalkaan wax u soo barta in xilligan oo dalka ku jiro xaalad halis ah ay caafimaad ahaan ka fikiraan dhaqaale, ayna ku tahay ceeb inay mar walba sidaas u fikiraan.


Puntlandes.com

About The Author