Dhagayso: Madaxweynaha ku xigeenka Puntland oo xaqiijiyay inuu jiro khilaaf u dhexeeya isaga iyo Madaxweynaha Puntland

24 May 2020 (Puntlandes) Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa waraysi uu siiyey BBC ku sheegay inuu jiro khilaafka ka dhaxeeya isagga iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilaahi Deni.

Axmed Karaash ayaa Deni ku eedeeyay in uu jebiyay Dastuurka isla markaan uusan gebi ahaanba kala tashan wixii magacaabis ah ee la samaynayo.





Axmed Karaash waxa uu meesha ka saaray in madaxweynuhu uusan kala tashan magacaabistii ugu danbaysay ”Adeer ma dhicin, marxalad aan ka wada-tashanona maba-jirto, xaalkayaga war maw haysaa ayaamahaan xoogaga ma maqlaysay, odayaashii way is khilaafkeen, khilaafkaas waa jiray khilaafkii anagoo aan ka wada-hadlin oo isaga imaan oon dawayn miyaan wada-tashan karnaa”

Axmed Karaash waxa uu sheegay in ay jiraan waxyaabo badan oo uu diidan-yahay, ayna jiraan waxyaabo ay ahayd inay wada-maamulaan balse aan dhicin, dhanka kale waxa uu xusay in labadooda lawada-doortay si ay dalka u wada maamulaan sidoo kalena wada-tashadaan.




Axmed Karaash ayaa iri ‘‘Iyadda Qura maahee, waxyaabaho ka horeeyay ayaa jira, oo aan doonayay in arinkaan uu banaanka usoo baxo maadama madaxweynuhu ka waantoobi waayay waxaas socday sanad iyo barka”

Axmed Karaash waxa uu sheegay in dhaw jeer ay madaxweynaha wada-hadleen si khilaafka loo dhameeyo balse uu madaxweynuhu sheegay in isagga dalka loo doortay.

Hoos ka dhagayso

 

Hoos ka dhagayso khudbadii madaxweynaha


About The Author