Sawirro: Guddiga Tirakoobka iyo diiwaangelinta Ciidamada dowladda Puntland oo xerada Caano-ka dhan ee galbeedka magaalada Gaalkacyo ka bilaabay diiwaangelin

01 Sept 2020 (Puntlandes) Guddiga Tirakoobka iyo diiwaangelinta Ciidamada dowladda Puntland ayaa weli dardar kuwada howsha tirakoobka Ciidamada ee ka socota qaybta 60aad ee gobolka Mudug. Waana xerada Caano-ka dhan ee galbeedka kaga beegan magaalada Gaalkacyo.

Guddigan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Tirakoobka Ciidamada ahna Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa sheegay in ay soo gabagabeeyeen howsha Tirakoobka iyo diiwaangelinta Ciidamada.

Wasiirka waxaa ku weheliyay kormeerkiisa Ciidanka Booliska Puntland Gen. Cabdi Xasan Xuseen,Taliye kuxigeenka Daraawiishta Gen. Axmed Cali Salaad,Taliyaha Ciidanka Badda G/sare Cabdiraxmaan M Jaamac,Taliyaha Ciidanka ilaalada Cashuuraha Jen. Cismaan Xasan Cuuke, Maareeyaha Garoonka diyaaradaha Cabdillaahi Yuusuf ee Gaalkacyo Siciid C/raxmaan,Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug Ismaaciil Cabdinuur Geesey,Xidhibaano iyo saraakiil kale duwan.

Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada la tirakoobaya ay yihiin ciidamada Puntland oo dib u habeyn lagu sameynayo isla markaana Puntland ay ka gudubtay ciidan beeleed sanadkii 1998-dii.

 


Puntlandes.com

About The Author