Akhriso Jubaland oo eedayn culus u jeedisay DFS

01 Sept 2020 (Puntlandes) Jubaland ayaa hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka (NISA) iyo xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ku eedeesay inay faragin ku burburiyeen maamulka heer degmo iyo heer gobolka ee Gedo.

Warsaxaafadeed ka soo baxay maamulka gobolka Gedo ee Jubaland ayaa lagu sheegay in NISA iyo xafiiska madaxweynaha Soomaaliya tan iyo dhammaadkii sanadkii hore gobolkaas ku soo daabulayeen ciidamo loo isticmaalay dano siyaasadeed iyo abuurida jabhad cusub oo sababtay in ay degmada Baladxaawo ka barakacaan dad ka badan 50,000 oo qoys.

Maamulka gobolka Gedo ee Jubaland ayaa dowladd federaalka, dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka ugu baaqay inay si deg deg ah wax uga qabtaan xaaladda cakiran ee gobolka Gedo.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maanta madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) uu gaaray magaalada Muqdisho.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka maamulka Gedo


Puntlandes.com

About The Author