Sawirro: Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo xadhiga ka jaray xarunta baanka cusub ee Amal Bank uu ku yeelan doono Hargaysa

29 Sept 2020 (Puntlandes) Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xariga ka jaray Xarunta Guud ee Amal Bank uu ku yeelan doono Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Munaasibad loogu sameeyey daah-furka Baanka cusub ee Amal Bank ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, qaar kamida Golaha Wasiirada, Agaasimaal Guud, Gudoomiyaha Baanka Dhexe iyo Ganacsato iyo dadweyne kala duwan.

Saylici oo Xafladaasi furitaanka hadal ka jeediyey ayaa sheegay in Amal Bank oo hore u ahayd Xawaalad isla markaana dalka ka hawl geli jirtay ay hadda ka xukuumad ahaan soo dhaweynayaan Baanka cusub ee kusoo biiray Bangiyadii hore u jiray.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay Bangiyada badan isagoo xusay in haddii Bangiyadu bataan uu dhaqaaluhu kobci doonaan, dhanka kale waxa uu soo dhaweeyey Barnaamijyo maalgalineed oo uu soo kordhiyey Baanku kuwaasi oo ay ka faaidaysan doonaan Dhalinyarada, Ganacsatada, Haweenka iyo Beeralaydu.
Ugu Danbayntiina Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Guddoomay Shahaado Sharaf lagu maamuusay Xukuumada Somaliland taasi oo lagu abaal mariyey sida ay uga shaqaysay Horumarka iyo dhaqaalaha waddanka islamarkaana u dhiiri gelisay Bangiyada gaarka loo leeyahay.


Puntlandes.com

About The Author