Sawirro: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo La Kulmay Guddi Hoosaadka Horumarinta Dhaqaalaha Dalka

30 Sept 2020 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Guddi hosaadka  Horumarinta Dhaqaalaha ayaa ku adkeeyey muhiimadda Deyn Cafintu u leedahay dowladnimada iyo dib u dhiska dalkeenna.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dar dargelin lahaa hannaanka loo marayo deyn cafinta Soomaaliya, iyadoo sii-hayaha Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu sharxay guulaha arrintaasi laga gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xusay in Xukuumadda ay xoogga saareyso muhiimadda deyn cafintu ay u leedahay dowladnimada Soomaaliya.


Puntlandes.com

About The Author