Daawo sawirada dhibaatada haysata Shacabka Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa ka da’ay Maalmihii la soo dhaafay Roobab mahiigaan ah oo mgaalada gaarsiiyey Qasaare aad u baaxad wayn. Roobabkaas oo biyo badan dhigay magaalaga xafadaheeda kala duwan. Waxay sababeen Roobabkaas inay dumaan Guryo farobadan, inay Xirmaan Suuqyadii lagu Ganacsan jiray, waxay sababeen Dhimasho afar caruur ah, waxay kaloo sababeen in qoysas badan ay ka qaxaan Guryahoodii kadib markii ay Biyo ugu soo galeen. Waxay kaloo sababeen in ay xirmaan Cisbitaalkii waynaa, Iskuulaadkii waxbarashada iyo Goobihii kale ee loogu adeegayey Bulshada Gaalkacyood. waxay daadadku jabsadeen

Wax Gumad ah cid u soo samaysan ma jirto dhibaatadaas baaxada wayn ee haysata Shacabka Gaalkacyo haday noqon lahayd Dawlada Puntland iyo maamulka magaalda Gaalkacyo. Waxaana Gaalkacyo Jawaano looga buuxsadaa Jawaano farobadan oo lavagi kabuuxdo iyadoo inta badan Ceeriinka ay ku Cunaan KOOXDA ka talisa Gobolka Mudug ee uu madaxda ka yahay GAADAYARE.

Shacabka Gaalkacyo waxaa laga dhacaa ama laga Furtaa, ileen lama oran karo Canshuure, lacag aad u faradan oo haddii magaalada la gelin lahaa maanta gaari lahayd iyada iyo Shacabkeedu Horumar balaaran.

Soow lama joogo xiligii ay reer Gaalkacyood diidi lahaayeen BAADA laga qaado ileen intay Xishoon lahaayeen soo xishoode? Waxaa maanta iscasilay ku xigeenkii Duqa magaalada Gaalkacyo Warbaahinta Puntalndes ayaa ogaatay in sababtuu isku casilay ay ahayad markii Koocda Gaadayare u diiday dhaqaalihii ay wax ku socodsiin lahaayeen. Wax maamul dawladnimo kama hana qaadin Gobolka Mudug iyo magaalada Gaalkacyo ileen waxaa xukuma Kooxda Gaadayare.

Daawo xaalada ay ku sugan yihiin iminka reer Gaalkacyo
15-1

15-2

15-3

15-4

15-5

15-6

15-7

15-8

15-9
Puntlandes.com

About The Author