DEG DEG: Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland oo ku gacan sayray in AMISOM la keeno Puntland

Gudoomiyaha BarlamaankaPuntland mudane Siciid Xasan Shire ayaa mar uu maanta qudbad ka jeedinayey Shir Garowe ka furmay oo ku saabsan ka hortaga Argagixisada waxaawaxa uu qaadacay in Puntland la keeno AMISOM.

Gudoomiye Siciid ayaa si cad u sheegay in aysan Puntland u baahnayn AMISOM ayna ku filan tahay in ay ilaashato Amnigeeda.

Hadalka Gudoomiyaha ayaa ka dambeeyey markii Todobaadkii uu Amb Key shaaca ka qaaday in ay Puntland gaynayaan AMISOM.

Ilaa iyo iminka kama uusan hadlin madaxweyne GAAS arinkan aad xasaasiyada uga abuuray Puntland iyadoo lala yaaban yahay waxa uu uga hadli waayey.

Shacabka reer Puntland ayaa waxaa la soo deristay walaac xoog leh oo ay ka qabaan halka uu GAAS ku wado Puntland.

puntlandes.com

About The Author