DEG DEG: Xildhibaanada Puntland oo wada Mooshin ka dhan ah Xukuumadda M Gaas

Qaarka mida Xildhibaanada Puntland ayaa wada inay Mooshin ka keenayaan Xukuumadda hadda jidha waxayna sheegeen  inaan lagu fiirsan karin wadanku sida hadda uu yahay Xildhibaanada ayaa sheegay uu Mooshinkoodu Dawa u yahay Arima Puntland Bur Bur ku keeni kara ayna ka mid tahay Amaan Xumo, Dhaqaale Xumo, Siyaasad Xumo Puntland Lasoo daristay intii Xukuumaddaani Talada haysay, Xildhibaanada ayaa Sheegay in Puntland Xilka Saaran yahay ayna Wakiil kayihiin Shacbiga Puntland Waxii Puntland Kuyimaadana ay iyagu Masuuliyadeeda leeyihiin.

Xildhibaanada Ayaa Sheegay in Puntland aan lagu Fiirsankarin Sida ay Hadda Tahay Taas Badalkeedana loo Baahan yahay in Puntland la Badbaadinyo, Waxay sheegeen in Amaankii oo Faraha ka baxay Madaxdii  Al-shabab oo Puntland u soowareegtay kadib markii Koofurta Looga Adkaaday  Al-Qaeda oo Yemen kaga timi soona Gaaray Buuraleeyda Galgala, Dadkii Biri magaydada ahaa oo La Laynayo wax Cidana aan looso Qaban, Somaliland oo Dhul Horleh oo Punland leedahay Qabsatay Xasuuqna u Gaysanaysa Shacbigii Reer Puntland Sida waxii ka dhacay Taleex iyo Waqooyiga Buuhoodle, Dhaqaala Xumi Puntland soo Wajahday oo lasheegay in Gacnasatadii waa Weynayd Daymaysan yihiin, Ciidankii iyo Shaqaalihii Dawladdoo aan Mushaar Qaadan Taas Badalkeedana Dhaqaalahaas Dad yari Sigaar ah u lunsadaan.

Waxay Sheegeen in Siyaasaddii Puntland Caalamka kula macaamili jidhay ay meesha ka baxday Taas badalkeedana Xamar loo Aado waxkasta oo Puntland Siyaasadda uga baahato, Xildhibaanada ayaa Sheegay in Xukuumaddu ku Mashquulsantahay Waxyaabo aan Micno weynlahayn ayna kaseexatay Waxii Umaddu u igmatay Sidaas Darteedna aan loogu jeedankarin Xildhibaanada ayaa sheegay in Dawladdaani Cod ku Timi Codna ku Tagikadho hadii ay Fulin waydo waxyaabihii loo igmaday Xildhibaanada ayaa sheegay in Xukuumaddu aysanba ogayn in lala xisaabtami karo ee ay u dhaqmayso si Madaxbanaan oo aan Dadka iyo Dalka midna Dani ugu jirin.

Iskusoo wada duuboo Xildhibaanada ayaa laga warsugayaa Sida ay Mooshinkooda u meel mariyaan.

Puntlandes.com

About The Author