WAR DEG DEG: 21 Xildhibaan oo Mooshin ku dalbaday Maanta Kalfadhi deg deg ah

21 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa usoo gudbiyey Guddoonka Baarlamaanka qoraal ay kaga dalbanayaan in Baarlamanku yeesho kulan deg deg ah kahor inta aan la gaarin bisha June 15-keeda oo uu furmi lahaa kalfadhigii caadiga ee golaha Baarlamaanka.  Xildhibaannada ayaa dalbanaya in laga wada tashado xaaladaha ammaanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda Puntland oo sida ay sheegeen faraha ka baxday xilligan meel xuna gaartay.

Waa Markii ugu horeysay Baarlamaanka Puntland ay fadhiga ka kacaan Iyagoo ogaaday Xaalada Puntland iney Halis ku jirto looma baahan yahay Bad-baadin Deg Deg ah. Shacabka Puntland ayaa ku diirsaday Taalabada ay qaadeen Baarlamaanka Puntland Iyagoo Saaka Goobaha lagu Qaxweeyo ka sheegaya Barlamaankii Puntland waa Tooseen. Madaxweynaha safarka ku jira had iyo goor ayaan la aqoon Waxa uu ka sameyn doono Ololaha ay wadaan Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ee horkacaya Mooshinkan lagu Bad-baadinayo Puntland.

Qoraalka maanta loo gudbiyey Guddoonka Baarlamanka oo nuqul kamid ahi soo gaarey Warbaahinta Puntlandes ayaa u qornaa sidan:

62a

62b

Puntlandes.com

 

 

About The Author