Ma la gaaray xilligii Baarlamaanka Puntland kasoo bixi lahaayeen waajibaadkooda?

Shaki kuma jiro in tan iyo intii la doortay Cabdiwali Gaas iyo Cabdixakiin Camey in Puntland ay noqotay wax aan sina u noolayn, xag dhaqaale, xag amaan iyo xag siyaasadeed.

Marka la yiraahdo xagga siyaasadda waxaa la arkaa inta badan in ay Puntland u hogaansantay siyaasadda Xamar ee ku dhisan maroorsi, raadin xukuumad aan fedaraal ahyn iyo waliba u hanqaltaag, xoolo iyo xuquuq ay ummadda Puntland leedahay. Waxaa ka mida sheegashada Mudug, joojinta la soo bixidda khayraadka Puntland, isku koobka mucaawinooyinka loogu talo galay ummadda soomaaliyeed oo dhan.

Intaasba waxay fuleen markii uu xukunka Puntland yimi Cabdiwali Gaas.

Waxaa ugu danbeysey in Nicholas Kay uu yiri waxaan usoo wadnaa Puntland AMISOM.

Inta badan waxaan aragnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka oo cadeeya mawqifkiisa  taas oo uu u sheego sida saxdaa ee ay tahay in loo dhaqmo. Tusaale, Khudbadii ugu horreysey ee Gaas ka horjeediyo Baarlamaanka Puntland sannadkii lasoo dhaafay markuu u soo bandhigayey qorsha xukuumadiisa markaas cusbayd, oo dadka oo dhami aysan aqoon fiican u lahayn. Waxaa hadalkiisii ka mid ahaa in waxkastoo Xamar inooga xiran ay noo matelaan xildhibaanada iyo dadka Puntland ugu jira, wuxuu markaas ugu yeeray dawladda dhexe. Waaba erayga aynu hadda sida fiican u baranay oo hadda dhagaheenna ka batay markaan issaga si fiican u baranay.

Maalintaas, gudoomiyahay Baarlamaanku waxa uu cadeeyey in aysan nimankaasi u mateline la raacayo sida uu dastuurku qabo oo ah in ay ka wada xaajoodaan dawladda federaaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah, wax kasta oo iyaga khuseeya.

Gudoomiyaha Baarlamanku wuxuu cadeeyey maalintii ay Garoowe ku shirayeen, waxa markaas loogu yeeray dawladda dhexe iyo maamuladda goboladda,  in ay haystaan dastuurkii lixda saxiixe lahaa, oo ay waxa ay gudiga dib u eegiddu keenaan aysan dastuur u arag. Taasi waa markay sharaxday Caasho Geelle oo markaas ku magacawnayd gudoomiyaha guddigaas, Xamar lagu sameeyey Cabdiwali Gaasna uu ku raacay isaga oo daba maryeeyey danaha iyo masiirka dadka doortay ee Puntland ( hadda ogoow oo, marka arinkaas la ogaadey, waxaa reer puntland ogaayeen iyadoo xiriirku go,naa, oo aysan  jirin meel lagu heshiiyey)

Saaka markii shirkii amniga ku saabsanaa oo ka furmay Garoowe uu ka hadlayey, Gudoomiyaha Baarlamaanku wuxuu cadeeyey in aan AMISOM la keeni Karin Puntland. Hadda ogow Cabdiwali Gaas baa maalmo ka hor ogolaaday arinkaas. Ma jirin cid ka mid ah Xukuumadiisa oo uu ugu horreeyo Cabdixakiin Camey oo ka hadashay arinkaas.

Gudoomiyahay Baarlamaanka iyo xildhibaanada waxaan waydiinaynaa su,aasha ah.

Illeen doonni laba naakhuude leh dekhelkay ka jabtaaye, ma la gaaray xiligii aad codka kalsoonida u qaadi lahaydeen Xukuumada Gaas?

Misse cadayn mawqifkiina oo aan ficil wadan baad la daba joogaysaan ?

Soo taasi waajibkiina ma aha, misse sidii dadka caadiga ah baad uun figrad ahaan u sheegaysaan in shuruucdii iyo danihii iyo masiirkii ummadda lagu tuntay ?

Hadaydnaan idinkii la idin doortay wax ka qaban arrinkaas waa suaa,le  yaad ka sugaysaan in ay wax ka qabtaan???.

1474

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

 

About The Author