Dhagayso: Baarlamaanka Puntland oo diiday in la keeno dhulkooda ciidanka AMISOM iyo GAAS oo aan wali ka hadlin mawqifkiisa!!

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa sheegay inay waxa ka qaldan Amniga sixidoonaan aysana marna aqbalayn in Puntland ay yimaadeen AMISOM.

Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa Siciid Xasan Shire ayaa khudbadiisa kusoo hadal qaaday heshiiskii dhowaan Garowe ku dhexmaray xukumadda Cumar Cabdirashiid iyo dowladda Puntland, kaasoo qodob ka mid ah uu sheegayay in saddex kun oo Askari Puntland loo qaramaynayo, arrintaasi isaguu ka hadlaya Shire waxa uu yiri.

”Askar baa la sheegay Puntland la siinayo oo saddex kun ah, saddexda kun ma ahan Puntland oo ciidankeedii dabcay ama Askar la’aan ku dhacday,xuquuqo dowladda Federaalka kaga maqnaa oo Puntland ka wayday bay waxay yiraahdeen qaybtaas u yar baan ogol nahay, iyaddana inay run tahay iyo in kale ma hubno,xisaabtana naguma jirto hadday noo keenaanna way ku mahadsan yihiin, Puntland wixii cadow ah way isaga filan tahay”.

Dhawaan ayey ahayd markii Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Nichalos Kay uu sheegay in la balaariyo dhulka ay ka howlgalaan ciidanka AMISOM, wuxuna sheegay Puntland in la gaynayo AMISOM.

Waxa la yaab leh Xukuumadii loo igmaday talada Puntland in uusan ilaa hada Madaxweyne GAAS ka hadlin ama shaqsi kale o oka tirsan xukuumadiisa arintan ah in AMISOM lagu soo wado Puntland, CAJIIB.

Dad badan oo reer Puntland ah ayaa aaminsan madaxweynaha, GAAS, loo soo dirsaday  in Puntland lagu burburiyo in uu raali kula yahay Culusoow in Puntland la keeno AMISOM waan taas sababta uu ilaa iminka uga hadli waayey.

Dhagayso Gudoomiye Siciid


Puntlandes.com

About The Author