XOG: Halkee ku dambeeyey Mooshinkii ay shalay 21 ka xildhibaan gudbiyeen?

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa shalay Galab wuxuu lashiray Xubnihii mooshinka Gudbiyay waxuuna u sheegay inay ka laabtaan Arintaas ismariwaa muddo socday oo u dhexayay Gudoonka iyo Xubnaha ayaa Gudoonku markii dame u sheegay inuu kasoo hormarinayo Mudadii Kalfadhiga caadiga ah oo Furmi lahaa 15/6/20115, Taas badalkeedana uu ka dhigayo 1/6/2015.

Xildhibaanadii mooshinka Gudbiyay way ku Gacan sayreen hadana waxaa jira Dad Dhex Dhexaadin kaga jira arintaas sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes waxaana jira kulamo kale oo maanta Dhacaya.

Docdakale Madaweyne Gaas oo Khatka Teleefoonka kula soo hadlay Xubna badan oo katirsan Golaha Wasiirada, Barlamaanka, Ganacsato, iyo Siyaasiyiin ay iska Agdhow yihiin ayaa u sheegay in Arinta Waxkasta oo lagu baajin karo Mooshikaas la sameyo isagoona sheegay inuu Soo gaabinayo Safartiisa Emaradku uu ku joogo waxaana lafilayaa inuu maalinka Beriya Sogaaro Garowe Si Arimahaan uu Qayb uga noqdo.

Aqoonyahano, Waxgarad badan oo reer Puntland ah oo la soo xiriiray warbaahinta Puntlandes ayaa qaba in sharciga loo hiiliyo oo aan laga ogolaan in Mooshinkaas uu Carqaladeeyo madaxweyne GAAS oo ay dastuuri tahay in Baarlamaanku la xisaabtamo. Marka waa in loo hiiliyaa dawladnimada Puntland aana la carqaladayn MOOSHINKAN ayey intaas ku dareen!

Iskusoo wada duuboo Caasimadda Garowe ayaa waxaa ka socda Dhaq Dhaqaaqyo badan oo aad moodaysid inay la midyihiin Xiliyada Doorashooyinka Puntland jiraan kuwaasoo Murashixiintu Ololahooda ka dhex bilaabaan Xubnaha Baarlamaanka si Ay Codka Guusha uga Raadsadaan.

Wixii war ah ee ku soo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes.com

Puntlandes.com

About The Author