Dhagayso: Ma haboon tahay in Puntland la keeno Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM?

68

Warsaxaafadeed shalay ka soo baxay Golaha Wasiiradda Puntland ayaa lagu sheegay in gobolada Punltand aan la geyn doonin ciidan ka socda hawla-galka Nabad ilaalinta ee AMISOM.

Hadalkan Golaha Wasiiradda ayaa yimid ka dib markii 7-dii bishan May uu Ergeyga gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Nicholas Kay uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ciidamo ka socda hawlgalka AMISOM oo la geeyo Puntland ay tahay arrin aad loo eegayo.

Guud ahaan, amniga gobollada Puntland waxaa soo wajahay habacsanaan xoog leh, Dawlada Puntland ee uu hogaamiyo Cabdiweli Gaas ayaa gabtay kaalinteedii. waxaana intii uu xilka hayay ka dhacay Puntland, dilal kala duwan oo loo gaystay Sarkiil ka tirsanaa ciidamada Darawiishta iyo Booliska Puntland, Xildhibaano, Saraakiil ajnabi oo ka tirsan Qaramada Midoobay, sidoo kale waxaa Argagixisada Al shabaab ay qabsatay markii ugu horaysay degaano ku yaala Laamiga dheer, maaamulka Somaliland ayaa isna Puntland ka qabsaday dhul baaxad leh, arimahaasi oo idil waxay sumcad xumo u soo jiiday Amnigii ay Puntland caanka ku ahayd, waxayna keentay in maanta lagu baaqo keenida ciidamada AMISOM.

Dawlada Puntland ayaa dhinaceeda sheegay in Ciidanka Puntland awood u leeyihiin difaaca xuduudaha, isla markaana aan loo baahneyn in ciidamo ka socda AMISOM goboladaasi la geeyo.

Haddaba falanqeyn ku saabsan inay haboon tahay in ciidan la geeyo Punltand iyo in kale, ka dhegayso Warbixintii uu arintan ka diyaariyay Weriyaha VOA-da Maxamed Cabdi Sandhere.

Dhegayso


Puntlandes.com

About The Author