DEG DEG-DHAGAYSO: Duqa Degmada Gaalkacyo ” Kanaallo ayaan u samaynay ay Biyaha Wasakhda ah Raacayaan”

Sidii ay shalay baahisay Warbaahinta Puntlandes Maamulka Dagmadda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegay inay sameeyeen ama jeexeen Kanaallo ay biyaha wasakhda ah ee magaalada Gaalkacyo dhexyaalaa raacaan.

Gudoomiyaha Dagmada Gaalkacyo Cabdicasiis Jaamac Nugaal Oo La Hadlay Warbaahinta Ayaa yiri “Meel fiican ayeey maraysaa, Biyahana si fiican ayaa loo gurayaa, Kanaallo ayaan u sameynay oo ay biyaha wasakhda ah Raacayaan,”

Gudoomiyaha Dagmadu ma uusan sheegin halka ay marinayayaan Kanaalka dheer ee ay jeexeen iyo waliba meesha uu ku shubayo biyaha wasakhda ah.

29

Kanaalku wuxuu dhex marayaa Xaafada Horumar isagoo dadka Xaafadaa degen u keenaya dhibaato baaxad wayn oo ay ka mid tahay mid DEGAAN iyo mid CAAFIMAAD. Waxaa intaas sii dheer sida aad ka arki kartaan warbixintii shalay ee Warbaahinta Puntlandes uu Kanaalku dadka Guryahooda hortiisa laga jeexay ayna suurto gal tahay in dad badan ku waxyeeloobaan.

28

Waxaa intaasba sii dheer iyadoo ay dawlada Hoose ee magaalada Gaalkacyo ay u qorshaysay in ay biyaha wasakhda ah ku shubto Balliyada CIRJIIFE oo ah DEGAAN aad u Munaafacaad badan laguna tilmaami karo Xeebta Magaalada Gaalkacyo lehna dhub beereed baaxad wayn oo Qurux badan. DEGAANKAAS waxay doonaysaa haddii aan la joojin in ay Xaalufiso kana dhigto Bulaacad Wasakhda lagu shubo.

Warbixin dheer oo ay Warbaahinta Puntlandes ka diyaasirisay dhabaatada ay ku keenayso DEGAANKA iyo DADKA qorshahan Guracan ee ay wado dawlada Hoose ee magaalada Gaalkacyo Halkan ka akhriso kana daawo sawiro badan oo Warbaahinta Puntlandes ka soo qaaday.

Ugu Danbeyn Ayuu Duqa Gaalkacyo Ugu Baaqay Dowladda Puntland iyo Hay’addaha Samafalkaba iney ka Qeybqaataan Howlaha Ay Wadaan Maamulka Dagmadda Galkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.

Hoos ka dhageyso Duqa Degmada Gaalkacyo


Puntlandes.com

 

About The Author