Shirka wada tashiga bulshada Puntland

Waxaa jirtey in nin la yiraahdo  Siciid Faarax Maxamuud oo sheegtay in uu yahay af hayeenka guddiga qabanqaabada ee shirka  wada tashiga bulshada Puntland uu ku dhawaaqay in 15 May uu furimidoono shirkaasi. Iyadoo waliba saxaafadu waydiisey meesha lagu qabanayo, taas oo uu uga jawaabey Caasumadda Puntland ee Garoowe.

Haddaba tan iyo intii la maqlay in shir wada tashi oo bulshadii Puntland wada dhisatay ay isugu imaanayaan waxaa ku xeeraa arrintaas su,aalo badan iyo wax badan oo u muuqda in ay si u dahsoon yihiin.

Hadaba waxaan qormadaan ku eegeynaa su,aalahaas iyo falanqayntooda.

Su,aalaha u baahan faahfaahinta u baahan.

Muxuu yahay ulajeedka shirku? Ma in looga tashado wixii laga yeeli lahaa Gobolada ay qaarna Soomaaliland haysato, qaarna ay Cali Khaliif iyo kooxdiisu qassayaan, ku waas oo iyagu la fikir ah oo la safan Soomaaliland ?

Ma in wixii khaldan lagu saxo baa? Waa maxay waxa khaldan? Ma waxaa lagaga tashanayaa aayaha Puntland ( in or out from Somalia)? ma wuxuu khuseeyaa doorashada aan suurta galka ahayn ee Soomaalia (waxa loogu yeero road map:ka 2016)? Ma dib u eegis dastuurbaa?

Yaa abaabulkiisa leh? Ma Kii uu Madaxweynuhu ku baaqay markii la doortay baa?

Ma mid looga tanaasulayo Puntland oo looga tashanayo in si toos ah loo raacayo Dawladda Xamar baa (Tir tir Federaal Baa)?

Qarsoonaanta shirka

Waxaa cad in ajandeyaasha shirkaan ee dahsoon ay ku nabnaan karaan ula-jeedooyin badan oo qarsoon.

Bal iska daa in ay u caddahay dadka reer Puntland ee la leeyahay waxaa loo qabanayaa shirka, waxaa muuqatay xataa in gudiga qaban qaabada laftirkoodu ku wareersan yihin arrintaan. Taasna waxaa tusaale u ah in Nika af hayeenka shirka sheegtay uu shaaciyey xili iyo meel  labaduba aanay suuroobin. Wuxuu sheegay Garoowe 15/5, 2015. Xiligaas maanta waxaa laga joogaa 5 maalmood, shirkiina ma qabsoomin. Lama sheegin xilli kale iyo in goobtii la bedeley. Waxaan idaacadaha ka aragnay isagoo booqanaya Madaxweyne ku xegeenka Puntland  goob ku taal Gaalkacyo oo la sheegay  in loo diyaariyey shirka.

 Ma yahay kii madaxweynuhu ku baaqay?

Hadii uu yahay kii uu madaxweynaha Puntland uu ku baaqay waxaa la arki lahaa in isku hawlideeda iyo socod siintiisuba ay xukuumadu aad ula socon lahayd. Illeen wuxuu noqon lahaa waxa keliya ee madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu balan qaaday oo hirgalay. Issagana arrintaasi aad bay ula waynaan lahayd.

Marka   ka maqnaanshaha iyo isku taxalujin la, aanta dhinaca xukuumadu waxay tusaale u tahay in uusan baaqii madaxweynaha shaqo ku lahayn.

Waxaaba suurta gal ah in qabsoomiddiisa uuba ka soo hor jeedo oo aad moodid in ay dantu ugu jirto qabsoomid l,aanta shirku.

Waxaa kale oo aad moodaa in ay qarsoonyihiin qaban qaabiyeyayaasha dhabta ah ee shirku oo ragii markii hore la shaaciyey rag aan ahayn ayaa hadda ka dhex muuqda ama sheeganaya in ay yihiin gudigga qabanqaabadda shirka.

Aragti iyo talo

Si kasta oo shirka  ajandihiisa iyo cidda ka danbaysaa ay u dahsoon yihiin waxaa misana, dhinaca kale muuqata in uu yahay mid qabsoomidiisa loo baahan yahay.

Arrintaas waxaa u sabab ah in reer puntland oo dhami u hanwayn yihiin. Sidaa awgeed xataa hadii ay jireen ajendeyaal qarsoon oo qolo, gooni u wadatey, ay ka awood badanayso saamaynta shacabka Puntland. Taasi waxay suurto gelineysaa in lagu gaaro wax dadka reer Puntland anfaca.

Is aragu in uu inoo roon yahay waxaad ka arkaysaa oo kale in inta cadawga inoo aragtaa ay intaas afka ku hayaan oo u arkaan mid isu keen keenaya oo ina xoojinaya.

Fikrad ahaan  waxaan qabaa in intii dhisatay Puntland aan marna la kala goyn, iyadoo cid gaar ah lagu eedaynayo in ay dhinacooda wax ka socon waayeen. Cidkastoo wax tabanaysana la qanciyo. Lana tuso in Puntland wax badan ka  khaldan yihiin oo aysan tabashadu qolo gooniya ku koobnayn.

Dhismihii Puntland waxaa axdigii ugu horreeyey ku qornaa in la raadiyo Soomaali. Puntlandna taas waa ka soo dhalaashay si hagar la,aan ah. Kadib markii si hufan loo dersey arintaas waxaa soo baxday in aan shuruud la,aan la sii wadi karin arrintaas. In markaan lagu daro raadinta Soomaaliweyn shuruud.

Taasina waxay keentay in Dastuurkii bedeley axdigaas lagu cadeeyey in hadii shuruudo lagu qoray dastuurkaas ay fuliwaayaan in raadinta Soomaaliweyn dib u eegis lagu sameeyo.

Marka anigu waxaan  qabaa in hadii runta loo soo noqdo in shuruudahaas oo dhami fuli waayeen. Ayna muhiim tahay in la ogaado in cid aan iyadu rabin,  issu cel celiskeedu iyo raadinteedu ay tahay sababta ugu weyn ee dib u dhaca u keentay reer puntland. Waxaan qabaa in inta caqli iyo maal iyo mood la gelinayo raadin wax aan suurtoobeyn in la siiyo wakhtigaas iyo fursadahaas hagaajinta Puntland.

Hadaynu aragti gaaban (oo caqli yari ah ku fiirino ) dhibaatooyinka Puntland haysta maxaa dhacaya?

Waxaa laga yaabaa in ay dadka qaarkiis haysashada gobolka Sool, ku eedeynayaan qolo gooniya. Taas oo ay leeyihiin Soomaaliland waxaa u haya rag u dhashay gobolka. Waxaana docda kale qas iyo isku dir  ka dhex wada dhulka intii aynu ka joogney gobolkaas  Cali Khaliif iyo kooxdiisa oo iyaga laftirkoodu u dhashay gobolka. Waxaa laga yaabaa markaas  in ay soo jeedin lahaayeen in Puntland laga gooyo Sool.

Waxaan dadka saas qabikara xusuusinayaa. In qolo walba oo inaga mid ah ay ku jiraan rag dan yar oo iyaga u gaar ah u burburin lahaa dadkeena oo dhan.  Waa dhab in ay kala badnaan karto waxyeelada dadka caynkaas iha ay geysan karaan. Taas oo sabatu ay tahay hadba sida dadka dareenkooda guudi uu yahay. Cali record: Kiisa iyadoo la ogaa in uu shirarkii Soomaaliland oo dhan ka qayb galay qaarkoodna iskaba sharaxay. In uu geysto saamayn iyo dhibka intaas le,eg waxaa sahlay. Caal waaga guud ee xukuumadihii kala danbeeyey laga qaaday.

Hadii dib loogu noqdo figradii gaabnayd oo ay dhici lahayd in la yiraahdo waynu ka maaranaa Sool, maxaa dhacaya?

Waxaa dhacaysa, cadawgu is dhiibimaayo´e waxaa halkeedii ka sii soconaysa kala goynta inta kale.

Ogow in haddaba muran ku jira Mugug, Sanaag iyo Cayn, markii iyagana lagugu qanciyo in aad ka tanaasusho,  barrina waa Nugaal iyo Bari. Ulajeedka ugu weyn ee loo socdaana waa in la baa,biyo adiga, jiritaankaaga iyo xuquuqdaada dad ahaaneed.

Marka anigu waxaan qabaa in inta Dastuurkeena La raaco, laga tanaasulo Xamar iyo wixii jecel.

Lagu mintido midnimda Puntland. Waxaan hadda tusaale uso qaatay Cali Khaliif oo kaliya, laakiin waxaad ogaataa in ay jiraan kuwo loo igmaday in ay dadka hogaamiyaan oo ay fartu ku godantahay.

Sida Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Sabatoo ah Gobolka Mudug wuxuu muranka, galay intii uu  xukunka Puntland joogay.  Xamarna waxay reference ka dhigtaan in uu Gaas u saxiixay Mudug markuu Xamar joogey. Marka waxaa la is weydiin karaa soo kama darna Cali oo aan ku xukumin oo qirtay burburinta Puntland, midka aad masiirkaagii u dhiibatey oo ficiladda uu samaynayaa ay ka dhaawac iyo halis badan tahay kan issagu qirtay oo banaankaas kaa taagan?

Gaba gabo

  • Shirka ha la qabto ula jeedo kasta marka hore ha laga la,
  • Ha looga tashado in laga tanaasulo Soomaali aan is rabin raadinteeda.
  • Puntland ha iska difaacdo cadawga gudaha iyo dibadda labadaba.
  • Dastuurku waa in uu shaqeeyaa oo uusan noqon qoraal warqad uun isaga qoran ee waa in uu noqdaa heshiish bulsho oo cid walbaa ay ilaaliso.

Puntland Guul iyo horumar baan u rajeynayaa.

 

1474

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

 

 

 

 

 

About The Author