Golaha Deegaanka Gaalkacyo oo doortay ku xigeenka Duqa Degmada

Golaha Deegaanka Gaalkacyo ayaa maanta doortay ku xigeenka Duqa Degmada Gaalkacyo,kaddib markii uu dhawaan is casilay ku-xigeenkii hore. Xilkaas ayaa waxaa u tartamay labo musharrax oo kala ah,Maxamed Maxamuud (Afjar) iyo Maxamed Jaamac Faarax.

79
Ku xigeenka Duqa Maxamed Maxamuud (Afjar)

Waxaa goobjoog ahaa mas’uuliyinta gobolka, kuwa degmada,saraakisha ciidanka iyo xubno ka socday bulshada qaybaheeda kala duwan. Guddoomiye ku-xigeenka degmada waxaa ku guulaystay, Maxamed Maxamuud (Afjar) oo helay afar iyo tobon cod (14-cod) halka musharaxa kale ee la tartamay,Maxamed Jaamac Faarax uu helay kaliya sagal cod (9-cod).

 

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug,Axmed Muuse Nuur ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay natiijada codka ay kala heleen labada musharrax,waxuuna sheegay ku-xigeenka duqa degmada inuu yahay,Maxamed Maxamuud (Afjar).

Ku xigeenka cusub ee Duqa Degmada Gaalkacyo ayaa dhankiisa u mahadceliyay xildhibaannada golaha deegaanka iyo masharraxa la tartamayay waxuuna sheegay inuu ku dadaallayo sidii uu ula iman lahaa shaqo muuqata.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Degmada Gaalkacyo Yacquub Maxamed Cabdalla ayaa iska casilay xilka dhawaan.

Puntlandes.com

About The Author