Wariye Jama Deperani oo ka hadlay Amarka in la soo xiro “dalka waxaa leh aniga wax qoraya, adiga akhrinaya iyo inta kale ee inaga maqan”

Wariyaha sanadkan oo lagu magacaabo Jaamac Deperani oo uu dhawaan amar ku bixiyey madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas in la xiro ayaa wuxuu barta uu ku leeyahay Facebook ga soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo xarigaas lagu soo rogay.

Wariye Deperani ayaa Qoraalkiisa ahaa sidatan hoose:

Waa run in Madaxweyne Cabdiweli Gaas amray in la isoo xiro, fariintaasina waxaa isoo gaarsiiyey Wasiirka warfaafinta Puntland cabdiweli Xirsi Indho – guran, laakiin aniga la ima xirin ee waa la igu wargeliyey in la’ixirayo.

Wasiirka markaan weydiiyey sababta waxaa uu ii sheegay in qoraalada aan (Facebook)ku qoro ay ka xanaajiyeen Madaxweyne Gaas, waxaan ku iri Wasiir adigu ma akhrida qoraaladayda? Waxaana uu ku jawaabay Maya (friends ) manihin, kadibna waxaan u dhiibay Mobile-kayga si uu uhelo fursad uu ku akhriyo waxyaabihii ugu danbeyeeyey ee aan soo daabacay, marku akhristay kadib waxaa uu sheegay inuusan arkin waxuu dhibsado, kadib waxaan iri bal isku laabta oo warcad isoo siiya.

Baaritaan iyo xiriirada aan sameeyey waxaan ku ogaaday in Dowladdu khatar u aragtay shaqadan hayo weliba wareysiyada aan sameeyo, wararka iyo qoraaladayda Facebook.

Dhacdooyinka noocan oo kale ah waxba ka bedeli mayaan shaqadaan hayo iyo dhexdhexaad nimadayda, oo la micno ah naceyb aargudasho dhaliya ama cabsi aan xaqiiq ka aamuso midna igu abuuri mayso arintani.

Waxaan u mahadcelinaya saaxiibadayda dareenkooda ka muujiyey arintan, waxaan sidoo kale u mahadcelinaya boqolaalka qof ee isoo diray fariimaha gaar ka ah oo aanan mid walba gaar uga jawaab karin.

Waxaan dhamaan dadka oranaya, dalka waxaa leh aniga wax qoraya, adiga akhrinaya iyo inta kale ee inaga maqan, sidaasi darteed waxaan ka codsanaya saaxiibadayda inaan dartay loo Aflagaadeyn, Dalka, Dowladda ama Madaxweyne Gaas Arintaasi aniga ma jeclaysan.

*Hal mid ogow warkaan sheego dadka oo dhan kawada farxin maayo, sidaasi si lamid ah dadka kawada xanaajin maayo. Qof shalay ku faraxsana warkaga maanta wa ka xanaaqi kara , mid maanta ka xanaaqsana beri wa ku farxi kara.

Waxaan ka masuul ahay sidaan u qoray, ee kama masuul ihi sidaad u fahanto! Waxaan umaleenaya inaa fahantay, Hadalkan sababtaan usoo raacin jiray qormooyinkayga.

Xigasho: https://www.facebook.com/jama.deperani?fref=ts

About The Author