War DEG DEG AH: Agaasimiha iyo Tifaftiraha Daljir Garoowe oo la xiray

81f

Ciidamada Booliska ee Garowe ayaa xabsiga u dhaadhiciyey Agaasimihii idaacadda Daljir qaybteeda Garowe Cabdiraxmaan Xuseen Xasan (Gaardi) iyo tifatirihii Daljir Garow Jamaal Faarax Aadan..

Dowaldda Puntland wali kama hadlin sababta loo xirey labadaas saxafi balse Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in xarigoodu salka ku hayo barnaamij dood ah oo xalay ka baxay idaacadda.

81c

Barnaamijkaas oo ay marti ku ahaayeen Gudoomiyihii ugu horreeyey baarlammaanka Puntland Yuusuf Xaaji Siciid iyo Aqoonyahan Siciid Nuur Geedi, waxaa diiradda lagu saaray ammaan xumada ka jirta Puntland, hoos u dhaca baaxada wayn ee ku dhacay dhaqaalaha iyo weliba ballan qaadyadii Madaxweyne Gaas oo ilaa iyo iminka wax ka hirgalay aysan jirin.

Xubno laga casumey dhanka dowladda oo qorshuhu ahaa inay barnaamijkaas ka qayb qaataan ayaa ka cudur daartey.

Xukuumada GAAS ayaa waxay ay ka shaqaysaa oo kaliya in ay Caga jugle iyo Caburin ku hayso Saxaafada Puntland iyadoo ay Saxafiyiin badan xirtay intii ay la wareegatay Xilka Puntland

Halkan ka dhagayso Barnaamijkii Xalay ka baxay Radio Daljir

Puntlandes.com

 

About The Author