WAR DEG DEG AH-XOG Dhab ah: Wasiirka Haweenka iyo Arimaha Qoyska PL oo saxaafada isugu yeertay ka dib dhacdadii maanta

23 May (Puntlandes)- Wasiirada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland Anisa Xaaji Muumin ayaa saxaafada isugu yeertay ka dib markii ay maanta isku gacan qaadeen Wasiirada iyo Agaasihama Guud ee Wasaaradaas Xarunta Wasaarada Dhexdeeda.

82a
Wasiirad Aniso Cabdiqaadir Muumin Agaasimaha wasaarad Muno Daahir Dalmar

Todobaadyadii u dambeeyey waxaa ka dhexeeyey Wasiiradda Wasaaradda Haweenka Aniso Cabdiqaadir Muumin iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka Puntland Muno Daahir Dalmar khilaaf ba’an oo gaaray meeshii ugu xumayd. Waxay arintu gaartay in Madaxweyne GAAS la iskula tago laakiin sidii caadada u ahayd waxba ma kala ogayn oo wuxuu ka aaday Bosaso ileen qofna in uu eed ka galo ma doonayee!!

Sidee maanta wax u dheceen?

Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay xog ku heshay siday wax u dhaceen maanta: Wasiirada iyo Agaasimaha oo ku sugan maanta Xurunta Wasaarada, Xafiisyadooda, ayaa waxaa dhexmaray is afdhaaf sababay Gacan qaad kadib waxaa meeshii ay ku dirireen yimid ilaalooyinkii ay kala wateen labadoodu oo Xabado isku riday.

Waxaa intaas sii dheer in Shaqaalihii Wasaarada ay la kala safteen Wasiirada iyo Agaasimaha Guud. Iyadoo halkaas maraysa ayaa waxaa xarunta Wasaarada yimid Agaasimnaha Hay’adda Sirdoonka Puntland (PIA) Cabdirisaaq Ciise Khaatumo isagoo isku dayey in uu xaliyo Khilaafka meesha xun gaaray laakin uma aysan suurtoobin.

Ugu dabayn waxaa soo dhex galay madaxweyne ku xigeenka Pun Ing Camey oo ugu damabayn ku guulaystay in uu kal dhaqaajiyo si ku meel gaar ahna u xaliyo arinta meesha xun gaartay.

Wasiirad Aniso Cabdiqaadir Muumin oo laga yaabo in ay Is casisho

Sida ay ilahan u dhuun daloola u soo gugbiyeen Warbaahin Puntlandes waxaa suurtagal ah in Wasiiradda Wasaaradda Haweenka Aniso Cabdiqaadir Muumin ay xilka iska casisho maadaama fashil tahay Wasaaradii loo igmaday ay sabab u tahay Madaxweynaha Puntland oo meel fariiso oran kari waayey Agaasimaha isku taagaysa Wasiirada Wasaarada.

Wixii war ah oo ku soo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

 

About The Author